Qardho: 20 Wasiirka wasaraadda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo maanta safar shaqo ku soo gaadhey magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
Wasiirka ayaa booqashadiisa ka bilaabay xafiisyada guddoomiyaha gobolka Karkaar iyo duqa magaalada Qardho, oo uu kula kulmay guddoomiye Cabdi Siciid Cismaan iyo duqa magaalada Cabdiqaadir Siciid Qaal, waxaana uu labada guddoomiye ka dhegeystey xogta guud ee caafimaad gobolka iyo degmadda baahiyaha ka jira, waxaana uu uga mahadceliyey kaalintooda ay markasta ka qadanayaan siddii ay wada shaqayn wanaagsan ula leeyihiin maamulka caafimaadka gobolka.