Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed , ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socdey hay’adda PSI oo uu hoggaaminayey John Sauer Wash Director ayna weheliyeen xubno kale oo xafiiska Puntland ka tirsan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray tayaynta ilaha biyaha iyo helitaanka biyo nadiif ah, si loo yareeyo cudurrada ka dhasha biyaha wasakhaysan sida daacuunka iyo xanuunno kale oo la xiriira nadaafad-xumo.

(more…)

Xafiiska wasaaradda caafimaadka Gobolka Karkaar, iyadoo kaashanaysa hay’adaha Save the Children International (SCI), ayaa magaalada Qardho ku qabatay munaasabad lagu xusay toddobaadka Tallaalka Adduunka.

Munaasibada waxaa ka qayb galay kusimaha Agaasimaha Caafimaadka Dadweynaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Karkaar, Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah ee gobolka, Madaxa Caafimaadka Degmada Qardho, wakiillo ka socday hay’adaha SCI iyo WHO, dhakhaatiir, iyo marti sharaf kale.

(more…)

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayo Yuusuf Cabdiqaadir ayaa saaka booqday qaar ka mid ah iskuullada magaalada Garoowe, halkaas oo ay ka fuliyeen ololaha xoojinta wacyigelinta caafimaadka iyo tallaalka, iyadoo lagu guda jiro Toddobaadka Wacyigelinta Tallaalka Adduunka

Booqashadan ayaa qayb ka ah qorshayaasha Wasaaradda, gaar ahaan waaxda Tallaalka, ee lagu gaarsiinayo wacyigelin caafimaad masaajidda, iskuullada, kaamam barakacayaasha iyo goobaha kale ee ay bulshadu isugu timaado. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xasuusinta bulshada muhiimadda tallaalka iyo dardargelinta qaadashadiisa.

(more…)

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Mudug oo uu hoggaaminayo Xirsi Xuseen Dirir, ku-simaha Isuduwaha Wasaaradda, ayna wehelinayso Maryan Xuseen, Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka bilaabay ololaha xoojinta wacyigelinta caafimaadka iyo tallaalka, iyadoo lagu guda jiro Toddobaadka Wacyigelinta Tallaalka Adduunka.

Wasaaradda Caafimaadka heer dhexe iyo heer gobolba waxay si wadajir ah u wadaan wacyigelin ballaaran oo laga fulinayo masaajidda, iskuullada, kaamam barakacayaasha iyo goobaha kale ee ay bulshadu isugu timaado. Ololahan ayaa diiradda saaraya xasuusinta bulshada muhiimadda tallaalka iyo dardargelinta qaadashadiisa.

(more…)

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Karkaar uu hogaaminayo Cabdilaahi Moaxamed Cartan oo kaashanaya Hay’adda Save the Children ayaa sii xoojinaya ololaha wacyigelinta caafimaadka iyo tallaalka, xilli lagu guda jiro Toddobaadka Wacyigelinta Tallaalka Adduunka.

Kooxaha wacyigelinta ayaa toddobaadkan booqashooyin ka sameeyay iskuullo, kaamam barakacayaal iyo jaamacado ku yaalla magaalada Qardho, iyagoo saaka fariimo caafimaad gaarsiiyey ardayda iyo macallimiinta dugsiga Abdilatif Bilaal.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta shaqo kormeer ah ku tegey xafiiska xarumaha caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Gambool (MCH) iyo Xarunta cafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Jilab oo ku yaala magaalada Garowe

.

Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyay wasiiru-dawlaha wasaaradda caafimaadka Cali Mohamed Osmaan dhamman goobaha uu booqday waxa uu kula kulmay maamulka iyo shaqaalaha Goobaha cafimaadka, isagoo ka wareestay shaqada , sidda ay bulshada ugu adeegayaan iyo baahiyaha jire ee u baahan in wax laga qabto.

(more…)

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta degmada Godobjiraan iyo Deegaanka warguduud si wadajir ah uga qabatay xuska Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka oo socon doona ilaa 30 bisha April.

Ololahan caalamiga ah ayaa diiradda saaraya dhiirrigelinta bulshada si ay uga faa’iideystaan adeegyada tallaalka, iyadoo la xasuusinayo in tallaalku yahay mid ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee looga hortagi karo cudurrada faafa ee halista ah. Hal-ku-dhigga sanadkan ayaa ah: “Jiil kasta, tallaalku waa difaac la isku halleyn karo,” taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay in jiil kasta helo tallaal dhammaystiran si loo xaqiijiyo caafimaadkooda mustaqbalka.

(more…)

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa maanta xaafada Bedey ee degmadda EYL ayaa lagu qabtay Munaasabadda Todobaadka Tallaalka aduunka oo Puntland laga xusayo ayadoo kor loo qaadayo wacyigalinta iyo adeeg bixinta Tallaalka.

Ololaha xuska Todobaadka Tallaalka aduunka ayaa socon doona ilaa 30-ka Bisha April ayaa loogu talagalay in kor loogu qaado wacyigalinta sidoo kalena lagu dardargaliyo tallaalka, inta tododbaadka lagu jiro ayaa sidoo kale la tagi doonaa meelaha miyiga ah.

(more…)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray munaasabadda Xuska Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray munaasabadda Xuska Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka, kaas oo ah olole sannadle ah oo caalamka oo dhan laga hirgeliyo si kor loogu qaado wacyiga bulshada loona muujiyo doorka muhiimka ah ee tallaalku ku leeyahay badbaadinta nolosha, gaar ahaan carruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano.

(more…)