Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Xafiiska Gobolkq Mudug ayaa maanta qabatay kulan is-barasho iyo wadatashi ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta xarumaha caafimaadka ee gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbitaallada, farmashiyeyaasha iyo goobaha lagu kaydiyo dawooyinka gaarka loo leeyahay.

17 Jun

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Xafiiska Gobolkq Mudug ayaa maanta qabatay kulan is-barasho iyo wadatashi ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta xarumaha caafimaadka ee gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbitaallada, farmashiyeyaasha iyo goobaha lagu kaydiyo dawooyinka gaarka loo leeyahay.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah (PHC), Madaxa Daawada iyo Supply-ga (LMIS), iyo Madaxa Xogta Caafimaadka (HMIS), kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay wada-tashiga iyo qorsheynta howlaha caafimaadka ee gobolka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Caafimaadka iyo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, gaar ahaan dhinacyada wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga cudurrada faafa.

Kisimana Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Mudug, Xirsi Xuseen Nuur (Dirir), ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta wacyigelinta dadweynaha ee ku saabsan cudurrada tallaalka looga hortagi karo, sida gawracatada, xiiq-dheerta, jadeecada iyo shubanka, si loo yareeyo khatarta ay ku hayaan bulshada.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay cudurka Ebola oo hadda ka dillaacay dalalka Democratic Republic of the Congo iyo Uganda, iyadoo la isla gartay in la kordhiyo wacyigelinta bulshada iyo feejignaanta caafimaad si looga hortago khatar kasta oo ka iman karta cudurrada faafa.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay muhiimadda nadaafadda deegaanka iyo tan shaqsiga, maadaama ay door weyn ka qaataan ka hortagga cudurrada iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.

Ugu dambeyn, Kusimaha Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Mudug, Xirsi Xuseen Nuur (Dirir), ayaa xarumaha caafimaadka ku boorriyey inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda, isla markaana ay door muuqda ka qaataan barnaamijyada wacyigelinta caafimaadka si kor loogu qaado badqabka iyo caafimaadka bulshada.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment