Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Oo maanta daahfuray hageyaasha caafimaadka ee caawinta ilmaha dhasha si unoolaado/badbaado.

19.Jan.2021:- Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Hay’adda caalamiga ah badbaadada carruurta (Save the Children International) waxay daahfureen hageyaasha caafimaadka ee caawinta ilmaha si uu u noolaado/badbaado kuwaas oo loogu talagalay in loo isticmaalo (Every Newborn Action Plan- ENAP ) si loogu tababaro kadibna ay ku shaqeeyaan xirfadlayaasha caafimaadka ee fududeeya adeegyada dhalmada iyo daryeelka dhallaanka (more…)

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo bilowday daadejinta addeegyada Caafimaadka

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo bilowday daadajinta adeegyada Caafimaadka
06,Jan,2021:- Wasaaradda caafimaadka Puntland ayadoo hirgelinaysa siyaasadda Dowladda Puntland Ee Ku aadan daadajinta adeegyada bulshada, isla markaana la hirgelinayo awaamiirta xafiiska Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland oo hormuud u ah Maamul daadajinta Dowladda Puntland ayaa Wasaaraddu dardargelisay tilaabooyin lagu xaqiijinayo daadajinta adeegyada Caafimaadka waxaana todobaadkaan magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho tagay qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda kuwaas oo kulamo lagu lafa gurayo sidii barnaamijka loo hirgelin lahaa la yeeshay Guddoomiyeyaasha degmooyinkaas, waxayna kawada hadleen siddii loogu wareejin lahaa rugaha Caafimaadka ee degmooyinkaas ku yaala.

(more…)

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Cudurada Faafa Dr Cali diiriye Siciid ayaa wasaaradda kaga qayb galay shir ku saabsanaa ka hortagga iyo xakamaynta cudurka duumada.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo Agaasimaha Waaxada Cudurada Faafa Dr Cali diiriye Siciid ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda kaga qayb galay shir ku saabsanaa waxqabadka waaxda ka ka hortagga iyo Xakamaynta Cudurka duumada sanadkii 2020 kaas oo dib loogu eegayey xaalada Cudurka duumada iyo wixii laga qabtay sanadkii tagay.

(more…)