Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Ali Mohamed Osman ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Ansixinta Qorshaha Istaraatiijiyadda Ururka Umulisooyinka Puntland (PAM) ee sannadaha 2026–2030

17 Jun

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Ali Mohamed Osman ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Ansixinta Qorshaha Istaraatiijiyadda Ururka Umulisooyinka Puntland (PAM) ee sannadaha 2026–2030

Shirkan oo ay ka qayb galeen hoggaanka Ururka Umulisooyinka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, ururuka umulisooyinka, ururka dhakhaatiirta iyo Guddiga xirfadlayaasha, ayaa lagu falanqeeyay laguna ansixinayay qorshaha istaraatiyadeed ee hagaya howlaha ururka shanta sano ee soo socota.

Najma Pro Abdirisaaq gudoomiyaha Ururka PAM shirka ka hadashay ayaa tiri:-

“ Waxaan maanta iskugu nimid kulanka Ansixinta Qorshaha Istaraatiijiyadda Ururka Umulisooyinka Puntland (PAM) ee sannadaha 2026–2030. Waxay sheegtay in qorshahaan uu noqon doona mid sii horumarin doona wax badana ku soo kordhin doona shaqadii socotay, waxaan martida aan ku casunay oo kuwii lahaa doonaynaa inay nala arkaan wixii lagu dari karo aan ku darno wixii la isleeyahay in laga saraana aad noo soo gudbisaan kadibna soojeedintiina aan ku dari doono.”

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Cali Mohamed Osmaan hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka ayaa yiri:-

“Ururka Umulisooyinka Puntland wuxuu door muuqda ka qaataa horumarinta xirfadaha umulisooyinka iyo kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka. Qorshahan istaraatiyadeed wuxuu noqon doonaa hagaha lagu xoojinayo shaqada ururka iyo gaarsiinta adeegyo tayo leh bulshada Puntland,”

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray mudnaanta istaraatiyadeed ee ururka, horumarinta awoodda xubnaha, kor u qaadista adeegyada caafimaadka taranka iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ururka, Wasaaradda Caafimaadka iyo bahwadaagta kale.

Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro qorshe istaraatiyadeed oo mideysan, kaas oo hagaya hawlaha Ururka Umulisooyinka Puntland (PAM) muddada 2026–2030.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment