Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland waxaa maanta ka furmay tababar ka qorshaynta qoyska oo loo qabanayo shaqaalaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee ka shaqeeya isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee dowladda Puntland

23 Jun

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland waxaa maanta ka furmay tababar ka qorshaynta qoyska oo loo qabanayo shaqaalaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee ka shaqeeya isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee dowladda Puntland

Tababarkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, si ay bulshada ugu bixiyaan adeegyo tayo leh oo waafaqsan hab-raacyada qorshaynta qoyska.

Agaasimaha Caafimaadka asaasiga wasarada caafimadka Puntland abdirizak Abshir xirsi ayaa furitaankii tababarka ka hadlay muhiimadda qorshaynta qoyska, isagoo xusay in ay door weyn ka qaadato badbaadinta caafimaadka hooyada, carruurta iyo guud ahaan qoyska. Waxa uu shaqaalaha caafimaadka ku boorriyay inay si hufan oo xirfad leh u bixiyaan adeegyada qorshaynta qoyska, isla markaana ay si buuxda u raacaan tilmaamaha iyo hab-raacyada rasmiga ah ee adeegga.

Sundus Mahamud, oo ah Mas’uulka Qorshaynta Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa ka hadashay muhiimadda tababarka.

Sundus waxay sheegtay muhiimadda tababarkan dib-u-xasuusinta ah. Shaqalahan caafmadka hore u soo qaateen tababarrada qorshaynta qoyska islamarkaana ay ku shaqaynayeen aqoontaas, balse loo baahan yahay in dib loo xoojiyo casharradii hore, la falanqeeyo caqabadaha jira, lana wadaago hababka ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo adeegyada qorshaynta qoyska.

Waxay intaas ku dartay in muddada afarta maalmood ah ee tababarku socdo diiradda lagu saari doono habka saxda ah ee bixinta adeegyada qorshaynta qoyska, tayeynta adeegyada, iyo xal u helidda caqabadaha ka jira goobaha shaqada.

Tababarkan ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto kor u qaadista tayada adeegyada qorshaynta qoyska ee laga bixiyo xarumaha caafimaadka dowladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment