Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska cusub ee Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, taas oo calaamad u ah bilowga shaqooyinka rasmiga ah ee guddiga.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa Wasiirka ku weheliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Marwo Maryan Cismaan Ahmed Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdirisaaq Abshir Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka, Dr. Maxamed Xuseen Aadan, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xoghayaha Guddiga, xubno kale oo ka tirsan guddiga iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dr. Maxamed Xuseen Aadan, oo ugu horreyn munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in maanta laga bilaabo xafiisku si rasmi ah u bilaabayo gudashada waajibaadka sharci ee loo igmaday. Wuxuu xusay in xirfadlayaasha caafimaadku ay hadda ka heli doonaan xafiiska adeegyada diiwaangelinta, qiimeynta iyo bixinta ruqsadaha xirfadeed.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamed Abdirahman Mohamed (Faroole), oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay:
“Waxaan maanta si rasmi ah u daah-furnay xafiiska Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland. Guddigani waa hay’ad madax-bannaan oo waajibaadkeeda u gudan doonta si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka. Wasaaradda Caafimaadku waxaa ka go’an inay si buuxda u taageerto guddiga, una fududeyso dhammaan baahiyaha farsamo iyo kuwa maamul ee ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda.”
Wasiirku waxa uu sidoo kale faray dhammaan xirfadlayaasha caafimaadka ee ka shaqeeya Puntland inay iska diiwaangeliyaan guddiga, isla markaana qaataan xubinnimada iyo ruqsadda xirfadeed. Wuxuu sheegay in hirgelinta nidaamkan laga bilaabi doono shaqaalaha caafimaadka ee dowladda, ka hor inta aan lagu dabaqin dhammaan xirfadlayaasha caafimaadka ee ka shaqeeya xarumaha gaarka loo leeyahay.
Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu tilmaamay in dhismaha iyo hawlgelinta Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadku ay tahay tallaabo muhiim u ah tayeynta adeegyada caafimaadka, xoojinta isla-xisaabtanka, ilaalinta anshaxa xirfadeed iyo hubinta in bulshada Puntland ay helaan adeeg caafimaad oo tayo leh, kana yimaadda xirfadlayaal si sharci ah u diiwaangashan.














DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland