Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamad Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), ayaa maanta furay shir-wadatashi ah oo lagu horumarinayo Qorshaha Hawlgalka Badbaadada Carruurta (Child Survival Operational Plan), kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo UNICEF

21 Jun

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamad Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), ayaa maanta furay shir-wadatashi ah oo lagu horumarinayo Qorshaha Hawlgalka Badbaadada Carruurta (Child Survival Operational Plan), kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo UNICEF

Shirka oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa socon doona muddo laba maalmood ah (20–21 Jun 2026), waxaana ka qaybgalaya Dr. Khadija Ahmed Abdalla, Health Manager UNICEF Somalia, Edith, Madaxa Xafiiska UNICEF ee Garoowe, iyo Zighe, Health and Nutrition Section Manager, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, khubaro caafimaad, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamed Abdirahman Mohamed (Faroole), oo shirka furay ayaa yiri:

“Shirkan wadatashiga ahi wuxuu fursad muhiim ah u yahay in la isku waafajiyo mudnaanta caafimaadka carruurta, lana dejiyo qorshe hawleed dhab ah oo ka jawaabaya baahiyaha jira, isla markaana lagu gaaro natiijooyin waara oo wax ku ool ah,”

“Wuxuu tilmaamay in Puntland ay horumar ka samaysay adeegyada caafimaadka sanadihii u dambeeyay, balse ay weli jiraan caqabado u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo, sida dhimashada carruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano, nafaqo-darrada iyo cudurrada laga hortagi karo.”

Intii uu shirku socday waxaa la soo bandhigay xaaladda caafimaadka carruurta ee Puntland, caqabadaha jira, fursadaha horumarineed iyo istaraatiijiyadaha lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, tallaalka, nafaqada, daryeelka dhallaanka iyo ka hortagga cudurrada saameeya carruurta.

Shirka ayaa la filayaa inuu ku soo gabagaboobo talooyin iyo qorshe hawleed mideysan oo hagaya dadaallada lagu badbaadinayo nolosha carruurta Puntland, iyadoo la xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka, UNICEF iyo dhammaan daneeyayaasha ka shaqeeya caafimaadka bulshada.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment