Wasiirku waxa uu si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diray dhammaan shaqaalaha caafimaadka Puntland meel kasta oo ay ka hawlgalaan, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah iyo adeegga naf-hurnimada leh ee ay u hayaan bulshada. Waxa uu xusay in munaasabaddan qaran ay ku soo beegantay xilli ay qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadku weli ku guda jiraan gudashada waajibaadkooda, si loo xaqiijiyo sii socoshada adeegyada caafimaadka ee bulshada.
(more…)
