Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), oo sii wada dadaallada lagu horumarinayo laguna tayeynayo adeegyada caafimaadka ee Puntland, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay dhakhaatiir iyo masuuliyiin ka socday xarumaha kala duwan ee adeegyada caafimaadka

21 Jun

Kulanka waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Maamulka Iyo Maaliyada wasaaradda Mohamed Huseen Mohamed oo ka qayb qaatay doodaha iyo qorsheynta tallaabooyinka lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada xarumaha caafimaadka.

Kulankan ayaa qayb ka ah hirgelinta qorshaha 90-ka maalmood ee Wasaaradda Caafimaadka, kaas oo diiradda saaraya dib-u-habayn, tayayn iyo xoojinta hannaanka maamulka xarumaha caafimaadka si loo kordhiyo tayada adeegyada la gaarsiinayo bulshada.

Wasiirku waxa uu masuuliyiinta la wadaagay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka, hufnaanta maamulka iyo kor u qaadista adeegyada caafimaadka, isaga oo ku adkeeyey in xarun kasta ay door muuqda ka qaadato hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment