Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Yaanu nahay

 

Wasaaradda Caafimaadka (MoH), Puntland waxaa dib loo yagleelay 2001 kadib dhismihii dowladda Puntland ee Soomaaliya. Wasaaradda caafimaadka Puntland waxay ka shaqeysaa inay ka taageerto dhammaan sagaalka gobol ee Puntland helitaanka addeeg caafimaad oo tayo leh.

 

Si loo gaaro himilooyinkan, siyaasadda dowladdu waxaa mudnaanta la siinaysaa:

       Kordhinta adeegyada aasaasiga ah iyo caafimaadka iyo nafaqada (EPHS)

        Ka gudubka caqabadaha shaqaalaha ee caafimaadka

        Hagaajinta maamulka iyo hogaaminta nidaamka caafimaadka

        Kordhinta helitaanka daawooyinka lagama maarmaanka ah iyo teknoolojiyada

       Bixinta nidaam macluumaad caafimaad oo shaqeynaya

       Maalgelinta caafimaadka ee horumarka ku wajahan Caymiska Caafimaadka Universal (UHC)

       Bixinta nidaam macluumaad caafimaad oo shaqeynaya

        Kordhinta u diyaargarowga iyo ka jawaab celinta xaaladaha degdega ah ee caafimaadka

 

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland waxay Ka koobantahay Lix waaxood kuwaas oo kala ah;

      Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha

       Waaxda Maamulka iyo Maaliyada

       Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta Caafimaadka,

      Waaxda Caafimaadka Bulshada iyo Kahortaga Cudurada

      Waaxda  Daryeelka Caafimaadka Aas-aasiga ah

      Waaxda Daaweynta.

Waaxkasta waxaa hoostaga Madaxqaybeedyo iyo shaqaale Tayadooda iyo Tababarkoodaba Lahuabiyay, Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadku waxay Leedahay Xafiisyo Heer Gobol iyo Heer Degmo.

Waxaan aad ugu mahadcelinaynaa, doorka ay dowladda Puntland ka qaadatay howlaha caafimaadka, Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dhammaan hay,adaha nagala shaqeeya hawlaha caafimaadka sida;

UNICEF, WHO, World Bank, UNFPA, IOM, WFP,  Save Children, WVI, MSF, TADADUM, Care internatiol,  ADRA, UNHCR, FAO  iyo  ururka Bisha Cas ee Somaliya   iyo bulshada reer Puntland oo dhan sida ay gacanta uga gaysteen horumarinta dhismayaasha xarumaha caafimaadka iyo wada shaqeynta.