Boosaaso, Dec, 26, 2022: Waxaa maanta ka furmay magaalada Boosaaso shirka dib u eegista caafimaadka ee gobolada Bari iyo Gardafuu, shirkaan ayaa waxaa dib loogu eegayay mashruuc CHASP oo ka shaqeeya ilaa 7 degmo oo ku kala yaala labada gobol waxaana kawada shaqeeya wasaaradda iyo Hay’adda Badbaadada Carruurta (Save the Children), kaasoo bilowday sanadkii 2021 socona doona ilaa 2024. Waxaa shirka ka qaybgalay Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr- Cabdirisaaq Xirsi Xasan, Madaxa Save The Children Puntland Mohamed Abdikadir, Kuxigeenkiisa 2aad iyo isuduwayaasha gobolada Bari iyo Gardafu.
(more…)