Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa maanta Garowe ku qabatay tababar ku saabsan ilaalinta iyo ka hortaga cudurada faafa.

14 Mar

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa maanta Garowe ku qabatay tababar ku saabsan ilaalinta iyo ka hortaga cudurada faafa.

Garowe, March 13, 2023: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ku qabatay tababar ku saabsan ilaalinta iyo ka hortaga cudurada faafa.

Tababarkan ayaa socon doonaa muddo 3 Maalmood ah, waxaana ka qaybgelaya shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha caafimaadka Garoowe.
Tababarka waxaa furay Mudane Idiris Cabdillaahi Maxamed  Agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka Puntland. Agaasimuhu wuxuu ka hadlay muhiimada uu leeyahay tababarkani,  ka soo qaybgalayaashana waxa uu faray inay ka faa’ iideystaan.
“Wuxuuuu sidoo kale ka hadlay muhiimada leedahay in la xakameeyo cudurada faafa oo uu xusay in xarumaha caafimaadka qaybtood ay waxyaabaha haraadiga ah iyo dawooyinka ay banaanada soo dhigaan kuwaasoo sababi kara in carruurta ay iska isticmaalaan hadhowna ay xanuuno ka qadaan.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.