Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland ahna Agaasimaha waaxda Qorshaynta Dr Maxamed Maxamuud Maxamed (Xiddig) ayaa kulan la qaatay maamulka Caafimaadka Gobolka Nugaal.

29 Jan

Kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland ahna Agaasimaha waaxda Qorshaynta Dr Maxamed Maxamuud Maxamed (Xiddig) ayaa kulan la qaatay maamulka Caafimaadka Gobolka Nugaal.

Garowe, Jan, 29,2023: Kusimaha Agaasimaha Guud Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland ahna agaasimaha qorshaynta Dr Maxamed Maxamuud Xiddig oo uu wehelinayo agaasimaha Shaqada Iyo shaqaalaha Idiris Cabdilaahi Maxamed ayaa maanta xafiiska wasaaradda Gobolka Nugaal kulan kula qaatay Isuduwaha wasaaradda, agaasimayaasha cisbitaalada Garowe yo qaar kamid ah maamulayaasha xarumaha hooyada iyo dhalaanka degmada Garowe.

Isuduwaha wasaaradda Maxamed Jaamac Qorile ayaa warbixin kooban ka siiyay agaasimaha shaqada ka socota gobolka iyo gaar ahaan degmada Garoowe, qorshayaasha sanadka 2023 iyo caqabadaha jira.
Dr Maxamed Maxamuud Xiddig kusimaha agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka soo gabagabeeyay ayaa yiri:-
“ Waxaan ugu horayn uga mahadcelinayaa masuuliyiinta caafimaadka Gobolka Nugaal iyo maamulayasha Isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee degmada Garoowe kulankaani waxa uu daaranyahay siddii kor loogu sii qaadi lahaa loona dardargelin lahaa shaqada caafimaad ee bulshada loo hayo.”
“ Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in madaxda barnaamijyada kala duwan ay joogtayn doonaan kormeerkooda xarumaha,shirarka noocaan oo kale ah waa inoo socon doonaa kuwaasoo aan xogta ku kala qaadan doono.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.