Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaarada caafimaadka puntland oo kaashanaysa Haayada WHO ayaa tababar soconayo laba maalmood uqabtay qaar kamid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gobolada,Mudug,Nugaal iyo Sool.

14 Mar

Wasaarada caafimaadka puntland oo kaashanaysa Haayada WHO ayaa tababar soconayo laba maalmood uqabtay qaar kamid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gobolada,Mudug,Nugaal iyo Sool.

Garowe, March 13, 2023: Wasaarada caafimaadka puntland oo kaashanaysa Ha’yadda WHO ayaa tababar soconaya laba maalmood uqabtay qaar kamid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gobolada,Mudug,Nugaal iyo Sool.

Mudane Idiris Cabdillaahi Maxamed Agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka Puntland oo furay tababarka ayaa ka hadlay ujeedka laga leeyahay waxaana uu yiri:-
“ Ujeedada tababarka ayaa ah in lagu tababaro shaqaalaha habka isticmaalka Qalabka oxygenka bukaanka ay ku adkaato neefsashada,  maaraynta xaaladaha degdedga ah ee xarumaha caafimaadka ay ka shaqeeyaan.”
Waxaa sidoo kale tababarka ka hadlay Dr Asad oo ka socday hay’adda WHO iyo dhakhaatiir bixinaysa Tababarka.  Shaqaalahu markay qaataan tababarkan waxay ufaa’iideyn doonaan bukaanada ubaahan adeegaan .
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.