Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mida aqalka Congress-ka Maraykanka kula kulmay cusbataalka hooyada iyo dhallaanka ee Garoowe

07 Jan

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mida aqalka Congress-ka Maraykanka kula kulmay cusbataalka hooyada iyo dhallaanka ee Garoowe

Garowe -23- Dec 2022:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mida aqalka Congress-ka Maraykanka kula kulmay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Garoowe.

Isbitaalkan waxaa si wada jira u hirgeliyey jaaliyadda Puntland, ganacsatada Puntland iyo dadweynaha.
Gol-Nugaal Hospital wuxuu qabtaa shaqo muhiim u ah caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Wasiirka waxaa uu Xildhibaan Ilhaan kala hadlay sidii loosii wadi lahaa taageerada isbitaalkan loona sii kordhin lahaa iyo weliba sidii guud ahaan caafimaadka Puntland loogu xidhi lahaa hay’adaha iyo Dowladda Maraykanka. Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Puntland waxay si dhow ula shaqaysaa una taageertaa isbataalkan. Waxaan u mahad celinayaa cid kasta oo qayb ka qaatay hirgelinta cusbataalkan.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.