Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Qorshaynta iyo Siyaasadaha Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Mohamed Mohamuud Xidig oo uu wehelinayay agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Mudane Mohamed Huseen Mohamed ayaa soo xiray tababarka shaqaalaha caafimaadka

12 Mar

Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Qorshaynta iyo Siyaasadaha Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Mohamed Mohamuud Xidig oo uu wehelinayay agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Mudane Mohamed Huseen Mohamed ayaa soo xiray tababarka shaqaalaha caafimaadka

Garowe, March 09, 2023: Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Qorshaynta iyo Siyaasadaha Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Mohamed Mohamuud Xidig oo uu wehelinayay agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Mudane Mohamed Huseen Mohamed ayaa soo xiray tababarka shaqaalaha caafimaadka ee qaybaha Maaliyada iyo wax soo iibinta ( Finance And Procurement)kuwaasoo kala socday wasaaradda caafimaadka DFL Soomaaliya iyo Puntland.

Tababarkan ayaa soo socday muddo 5 maalmood ah ayaa ahaa mid aqoon iyo khibrada lagu kala faa’iidaysanayay, waxaa sidoo kale qayb ka aha casharadana bixinayay saraakiil ka socotay hay’adda PSI oo wasaaradda caafimaadka ay ka wada shaqeeyaan mashruuca Marwo Caafimaad.
Marwo Salma Cismaan Guureeye Madaxa Mashruuca Marwo Caafimaad Puntland oo ka hadashay ayaa tiri:- “ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo xiritaanka tababarka muhiimka ah ee aad ku jirteen maalmihii la soo dhaafay kaasoo ubadnaa kororsi aqooneed iyo khibradeed, waxaan dhamaantiin idin xasuusinayaa inaad tihiin laf dhabarta mashruuca marwo caafimaad oo ka shaqeeya tuulooyinka fog kuwaasoo aysan ka jirin adeegyo caafimaad, waxaan idinka mahadcelinayaa sida aad ugu fudaysaan gabdhaha mashruuca ka shaqeeya baahiyahooda.”
Abdiqani Xirsi Shire Madaxa hay’adda PSI Puntland oo isna ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan uwada joogno xiritaanka tababarkii 4tii maalmood ee la soo dhaafay idiin socday kaasoo qayb ka ahaa tababarada hay’adda PSI qabato oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa khibrada iyo aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya qaybta Maamulka Iyo Maaliyada, waxaan rajaynayaa maalmaha aad joogteen inaad kala kororsateen khibradaha kale duwan ee aad leedihiin iyo aqootiina kana faa’ideen wax badan oo aad ku sii horumarin lahaydeen shaqooyinkiina.”
Mudane Mohamed Husein Mohamed Agaasimaha Maamulka Iyo Maaliyada wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa yiri:-
“ Waxaan ugu mahadcelinaya hay’adda PSI qabsoomida tababarkaan muhiim ah oo si gaar ah u khuseeya qaybta Maamulka Iyo Maaliyada kasoo lagu kala qaadanayay khibradaha iyo aqoonta la is dheeryahay, ka xafiiskayga ahaana si gaar ah ukhusaysay waxaana markasta naga go’an inaan kor uqaadno khibrada shaqaalaha maamulka iyo Maaliyada si loo horumariyo shaqooyinka maalin laha ah ee ka socda wasaaradda, waxaan rajaynayaa inaad wax badan kala faa’iidaysateen, waxaana soo dhawaynayaa masuuliyiinta ka socday wasaaradda caafimaadka DFL Soomaaliya ee tababarka ka qaybgalayay.”
Dr Mohamed Mohamuud Xidig Kusimaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo tababarka soo xiray ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinka soo qaybgalo xiritaanka tababarka mudada 4ta maalmood ah idiin socday, waxaan ugu horayn soo dhawaynayaa masuuliyiinta ka socday wasaaradda caafimaadka DFL Soomaaliya oo aan leeyahay markasta ku soo dhawaada gurigiina halkaan marti kuma tihidiin waxaad joogtaan guryihiina, waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda PSI qabsoomida tababarkaan ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa khibrada iyo aqoonta shaqaalaha qaybta ugu muhiimsan wasaaradda caafimaad oo ah Maamulka iyo Maaliyada si loo horumariyo shaqadooda korna loogu qaado aqoontooda, waxaan rajaynayaa in tababarada noocaan oo kale ah aysan intaan ku ekaan ee sii socon doonaan insha allah, markasta wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa ka go’an sidi kor loogu qaadi lahaa shaqaalaha kala duwan ee qaybaha kala duwan loona horumarin lahaa shaqooyinka horutabinta leh ee noo yaala.”
Gabagabadii tababarka waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay dhamaan ak qaybgalayaashii tababarka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.