Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda PSI ee kala shaqaysa barmaamijka Marwo caafimaad ayaa maanta 17 kooxood u kala dirtay 250 tuulo ku yaala gobolada Puntland.

07 Jan

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda PSI ee kala shaqaysa barmaamijka Marwo caafimaad ayaa maanta 17 kooxood u kala dirtay 250 tuulo ku yaala gobolada Puntland.

Garoowe -25- Dec 2022:- Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda PSI ee  kala shaqaysa barmaamijka Marwo caafimaad ayaa maanta 17 kooxood u kala dirtay 250 tuulo oo ku yaala gobolada Puntland.

Kooxohan ayaa ka soo samayn doono qiimayn tuulooyinka ay ka shaqeeyaan Marwo Caafimaad oo ku yaala dhammaan gobolada Puntland, waxay sidoo kale soo qiimayn doonaan adeega ay bixiyaan iyagoo warbixino ka dhagaysan doona dadka deggan meelaha ay ka hawlgalaan.
Kooxahan ayaa sidoo kale meelaha ay tagayaan geyn doona dawooyin ay ku shaqayn doonaan labada bilood ee soo socota.
Kooxahan ayaa iskugu jira dad ka socda wasaaradda dhexe iyo kuwa maamulada gobolada caafimaadka.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.