Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Kusimaha agaasimaha Guud ahna agaasimaha qorshaynta iyo siyaasadaha ee wasaaradda caafimaadka Dr Mohamed Mohamuud Xidig ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda WFP.

07 Jun

Kusimaha agaasimaha Guud ahna agaasimaha qorshaynta iyo siyaasadaha ee wasaaradda caafimaadka Dr Mohamed Mohamuud Xidig ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda WFP.

Kusimaha agaasimaha Guud ahna agaasimaha qorshaynta iyo siyaasadaha ee wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed Maxamuud Xiddig oo ay wehelinayeen agaasimaha caafimaadka asaasiga ah iyo madaxa Nafaqada Warsame Siciid Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda WFP.

Waftiga ayaa waxaa hogaaminayay Dr SASHI Madaxa WFP Puntland,iyo saraakiil kale oo ka socday WFP Soomaaliya, shirka intuu socday ayaa waxa la iskula lafaguray guud ahaan wada shaqayntq wasaaradda caafimaadka iyo WFP.
Waxaa sidoo kale aad looga hadlay xaalada dadka ka soo barakacay dagaalka ka dhacay gobolka Sool iyo si gaar ah dhanka nafaqadarada oo la isku afgartay in wada jir looga jawaabo waxna looga qabto.
Shirka ayaa guud ahaan ku soo dhamaaday guul waxaana agaasimaha ugu danbeyn uga mahadceliyay WFP wada shaqaynta wanagsan ee wasaaradda kala dhaxaysa.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND