Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ka bilowday tababar kor loogu qaadayo aqoonta Hooyooyinka Umulisooyinka ah ee xarumaha Hooyada Iyo dhalaanka

07 Jan

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ka bilowday tababar kor loogu qaadayo aqoonta Hooyooyinka Umulisooyinka ah ee xarumaha Hooyada Iyo dhalaanka

Garowe, Dec, 28, 2022: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ka bilowday tababar kor loogu qaadayo aqoonta Hooyooyinka Umulisooyinka ee xarumaha Hooyada Iyo dhalaanka ee MCH ku xiran.

Waxaa ka qaybgalay ilaa 20 xubnood oo ka socda dhammaan gobolada Puntland, waxaana uu soconayaa 5 Maalmood.
Tababarka waxaa furay Mudane Idiris Abdulaahi Mohamed oo ka socda waaxda Shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaana uu ka hadlay muhiimada ay wasaaradda uleeyihiin dumarka ka shaqeeya dhalmada ee ka hawlagala xarumaha MCH-ya ku yaala Puntland, waxaana uu kula dardarmay inay maalmaha ay joogaan sida ugu wanaagsan uga faa’iidaystaan marka ay dhamaystaana cilmiga ay ka qaataan kula noqdaan xarumaha ay ka shaqeeyaan.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.