Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay shir ku saabsan Tababarka Tababarayaasha dib-u-eegista iyo ururinta Xogta Caafimaadka ee Soomaaliya,

Garoowe: 30 Luulyo 2022 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay shir ku saabsan Tababarka Tababarayaasha dib-u-eegista iyo ururinta Xogta Caafimaadka ee Soomaaliya, oo ay ka wada qabgaleen Dowladda Federaalka   Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir. (more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa maanta ka bilowday shirka dib u eegista xogta caafimaadkaga Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta uu ka bilawday shirka dib u eegista xogta caafimaadkaga Soomaaliya.
Garoowe: 12 Jun 2022:- Waxaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Shirka dib u eegista xogta caafimaadka iyo mida daawada Ee Soomaaliya. Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen inta badan shaqaalaha ka shaqeeya xogta ee wasaaradda caafimaadka dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

(more…)

Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa qaabishay wefti ka socdey Safaaradda Finland ee Nayroobi iyo hay’adda UNFPA

Garoowe: 02 Jun 2022:- Wasiir-ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Mudane Abdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Safaarada Finland Soomaaliya iyo hay’adda UNFPA Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mr. NIYI madaxa Soomaaliya, waxaana ku wehelinayay madaxa horumarinta mashaariicda ee safaaradda Dalka Finland qaybteeda  Soomaaliya iyo Madaxa waxbarashada iyo Caafimaadka. (more…)

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo ay weheliyaan masuuliyiin Madax ka socotay Hay,adda caafimaadka adduunka ayaa safar ku tagey Gaalkacyo

Garoowe: 10 May 2022: Wefti balaaran oo ay hogaaminaysey wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Marwo Foosiya Abiikar Nuur ayna ku wehelinayeen Madax ka socotay hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maanta safar shaqo ku soo gaaray magaalada Gaalkacyo waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland ahna kusimaha wasiirka, weftiga ayaa waxa ay shir la yeesheen madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland xarunta gobolka kaasoo looga wada hadlay shaqada socota qorshayaasha wasaaradda, kadib waxay kormeereen xarumo caafimaad iyo xarumo barakacayaal.

(more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta shahaadooyin gudoonsiisay dhakhaatiirta qaliinka faruuryaha ka samaysay Garowe.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta shahaadooyin gudoonsiisay dhakhaatiirta qaliinka faruuryaha ka samaysay Garowe.
Garowe, Mar,30,2022:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka DOwlada Puntland Dr- JAamac FaArax Xasan oo uu wehelinayo agaasimaha guud ayaa maanta kulan Mahadcelin iyo shahaadooyin ay ku guddoonsiiyeen la qaatay Maxamed Cabdiraxmaan Cali Madaxa Hay’adda Som Care iyo dhakhaatiir qaliino bilaasha usameeyay dadka faruuran. (more…)

Agaasimaha Guud wasaaradda Caafimaadka oo ka qaybgalay qalinjabinta Dufcadii 21aad ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Boosaaso.

Agaasimaha Guud wasaaradda Caafimaadka oo ka qaybgalay qalinjabinta Dufcadii 21aad ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Boosaaso.
Boosaaso, April,01,2022:- Dr- Abdirisaaq Xirsi Xasan Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa 31- March- 2022 ka qaybgalay qalinjabinta Dufcadii 21aad ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Boosaaso. (more…)

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNICEF Soomaaliya.

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNICEF Soomaaliya.
Garoowe: 18 April 2022: Wasiir-ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda UNICEF Soomaaliya oo uu hogaaminayay Nejmudin Kedir Bilal ah ku-xigeenka madaxa Soomaaliya.

(more…)

Wasaaradda Maaliyada oo maanta Xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ka daahfurtay midaynta xasaabaadka Dowladda

Wasaaradda Maaliyada oo maata Xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ka daahfurtay midaynta xasaabaadka Dowladda.
Garoowe: 17 April 2022: Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland ayaa maanta noqotay xaruntii ugu horaysay ee xarumaha Dawlada ee laga bilaabo midaynta xisabaadka dowladda.  Wasaraadda maaliyadu ayaa ka shaqaynaysay saddexdi sano ee la soo dhaafay gaar ahan xafiiska Xisaabiyaha guud. (more…)

Shirka dib u eegista Mashruuca Caafimaadka Gobolka Karkaar oo Qardho laga daah-furay.

Shirka dib u eegista Mashruuca Caafimaadka Gobolka Karkaar oo Qardho laga daah-furay.
Qardho, Mar,23,2022:- Waxaa Magaalada Qardho saaka ka furmay shir balaaraan kaas oo dib loogu eegayo mashruuca Caafimaadka Shine ee Gobolka Karkaar, kaas oo ay wado wasaaradda caafimaadka Gobolka karkaar oo gacan ka helaysa Hay’ada Save The Children iyo Unicef.
Shirka oo ay kasoo qayb-galeen madaxda iyo hawl-wadeena xarumaha caafinaadka ee Gobolka Karkaar iyo Madaxda Wasaaradda (more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta gaari Ambalaas ah ku wareejisay Degmada Taleex Ee Gobolka Sool

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta gaari Ambalaas ah ku wareejisay Degmada Taleex Ee Gobolka Sool.
Garowe, Jan,11,2022:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta degmada Taleex ee gobolka Sool ku wareejisay gaari Ambalaasah kaasoo loogu talagalay in loogu adeego hooyada iyo dhallaanka ku nool degmada iyo hareeraheeda.

(more…)