Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa kormeeray cisbitaalka weyn ee magaalada Qardho.

22 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa kormeeray cisbitaalka weyn ee magaalada Qardho.

Qardho, April, 21, 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa kormeeray cisbitaalka weyn ee magaalada Qardho.
Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyey guddoomiyaha gobolka karkaar Cabdi Siciid Cismaan, taliyaha booliska gobolka G/Sare Xuseen Cali Maxamuud,xildhibaan Cabdiqaadir Xasan Siciid,Duqa Magaalada Cabdiqaadir Siciid Qaal, lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Cabdirahmaan siciid Gacamey iyo agaasimayaasha maamulka iyo maaliyada Maxamed Xuseen Maxamed , kusimaha agaasiamaha qorshaynta Idiris Cabdulaahi Maxamed, isuduwaha caafimaadka gobolka Cabdilaahi Maxamed Cartan.

Wasiir mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa kormeerka kaddib ka warbixiyey natiijada shaqo maalmeedka maanta ee uu ku tegey cisbitaalka weyn ee magaalada Qardho, waxa bogaadiyay shaqada ka socota iyo sida addeega maalin laha ah looga helayo, warbixin dhamaystirana uu ka dhegeystay maamulka cisbitaalka Dr Jaamac Cabdi Maxamuud Idlib.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa sheegay in cisbitaalka magaalada oo ka mid ah cisbitaalada gobolada ee ugu shaqada badan loogana yimaado gobolka Karkaar iyo gobolada kale ay ka socoto shaqo wanaagsan, waxaana uu kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha cisbitaalka inay sii laba jibaaraan shaqada ay bulshada u hayaan, una diyaar garoobaan maadaama lagu jiro xili roobaadkii cudurada faafa qaarkoodna hada magaalada ka jiraan kuwa kalena ka dhallan karaan siddii ay ula tacaali lahaayeen bukaanada addeega caafimaad usoo doonanaya.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment