Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirishiid Xasan Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay guddiga xirfadlayaasha caafimaadka Puntland

15 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirishiid Xasan Jaamac iyo lataliyaha madaxweynaha dhanka caafimaadka Dr Cabdirahaan Siciid Gacamey (dhagaweyne) ayaa maanta kulan la qaatay guddiga xirfadlayaasha caafimaadka Puntland.
Kulankaan ayaa looga wada hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa shaqada guddiga caqabadaha horyaalana looga gudbi lahaa, guddiga ayaa wasiirrada la wadaagey shaqooyinka uqabsoomay mudada ay dhisnaayeen iyo caqabaha horyaala.

Wasiir Siciid Qoorsheel ayaa dhankiisa guddiga la wadaagey in la doonayo inay shaqada dib u bilaabaan caqabadaha jirana wasaaraddu ka shaqayn doonto inay wax ka qabato iyagana laga doonayo inay ogaadaan kaalinta muhiimka ah ee ay bulshada ugu fadhiyaan taasoo ah helitaanka xirfadlayaal caafimaad oo la hubiyay aqoontooda.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment