Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DOwladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wefti ka socdey Hay’adda UNFPA oo ay hogaaminayso Baxsan Siciid ,Madaxa UNFPA Puntland

17 Apr

Garoowe: 16 April 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DOwladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wefti ka socdey Hay’adda UNFPA.

Kulan ayaa isugu jirey isbarasho wasiirrada cusub iyo madaxda UNFPA, waxaana lagu soo bandhigay shaqooyinka caafimaad ee ay hay’addu ka qabatay haddana ka waddo Puntland oo u badan caafimaadka hooyada uurka leh iyo carruurta, waxaana lagu ballamay kulan kan ka weyn in la iskugu yimaado.
Dhanka kale wasiirka ayaa uga mahadceliyay shaqada hay’addu ka waddo Puntlnad gaar ahaan hooyada uurka leh iyo carruurta, waxaana uu la wadaagay qorshayaasha mudnaanta u leh wasaaradda iyo siddii qaybtooda uga qayb qaadan lahaayeen ayna ugu horeeyaan ka jawaabida cudurada faafa qaarkood kuwaasoo  ilaa sannadka bilowgiisii ka jirey qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment