Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaraadda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo maanta safar shaqo ku soo gaadhey magaalada Qardho ee gobolka Karkaar

21 Apr

Wasiirka wasaraadda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo maanta safar shaqo ku soo gaadhey magaalada Qardho ee gobolka Karkaar

Qardho: 20 Wasiirka wasaraadda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo maanta safar shaqo ku soo gaadhey magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
Wasiirka ayaa booqashadiisa ka bilaabay xafiisyada guddoomiyaha gobolka Karkaar iyo duqa magaalada Qardho, oo uu kula kulmay guddoomiye Cabdi Siciid Cismaan iyo duqa magaalada Cabdiqaadir Siciid Qaal, waxaana uu labada guddoomiye ka dhegeystey xogta guud ee caafimaad gobolka iyo degmadda baahiyaha ka jira, waxaana uu uga mahadceliyey kaalintooda ay markasta ka qadanayaan siddii ay wada shaqayn wanaagsan ula leeyihiin maamulka caafimaadka gobolka.

Wasiir Siciid ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka iyo degmadda soo dhoweyntooda sidoo kalena waxa uu xusay inuu ku faraxsanyahay inuu safarkiisi koowaad ku soo gaaro magaalada Qardho ee gobolka Karkaar. Waxaana uu la wadaagay qorshaha safarkiisa oo ku saabsanaa sidii uu wax uga ogaan lahaa warbixin dhamaystirana uga heli lahaa cudurka shuban biyoodka oo maalmihii ugu danbeeyay aad ugu faafayay khatar badan ku haya sidoo kale in la sii laba jibaaro shaqooyinkii socday ee maamulka gobolka iyo kan caafimaadku ay ka shaqaynayeen, waxaan sidoo kale xogta aan aruurino u kula noqon doonaa dowladda dhexe iyo hay’addaha caalamiga ah ee caafimaadka la shaqeeya si wadajir wax looga qabto.
Wasiirka ayaa kormeer kooban ku sameeyay cisbitaalka guud ee magaalada Qardho iyo xafiiska wasaaradda caafimaadka gobolka Karkaar oo uu kula kulmay masuuliyiinta xarumaha uu booqday.
Safarka waxaa wasiirka ku wehelinayay lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Cabdiraxmaan Siciid Gacamey (Dhegaweyne), agaasimaha maamulka iyo maaliyada wasaraadda Maxamed Xuseen Mohamed iyo kusimaha agaasimaha qorshaynta Idiris Cabdulaahi Maxamed iyo saraakiisha caafimaadka qaarkood.
DHAMM
AAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment