Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradada Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta shir gudoomiyey shirka guddiga xakamaynta iyo ka hortaga cudurada faafa

16 Apr

Wasiirka Wasaaradada Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta shir gudoomiyey shirka guddiga xakamaynta iyo ka hortaga cudurada faafa

Garowe, April 16, 2024: Wasiirka Wasaaradada Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta shir gudoomiyey shirka guddiga xakamaynta iyo ka hortaga cudurada faafa oo ka kooban madaxtooyada, wasaaraddaha qaarkood, wakaalada biyaha iyo dowladda hoose ee degmada Garoowe iyo lataliyaha madaxweynaha ee dhanka caafimaadka.

Shirka oo maanta ka qabsoomay hoolka wasaaradda caafimaadka, wasaraaddda ayaa guddiga la wadaagtey xaaladihii ugu danbeysey ee cudurka shuban biyood oo ah xanuunka ugu badan ee hadda ka jira magaalooyinka waaweyn qaarkood dhimashana sababay sidoo kalena bukaano badan ku dhacay kuwaasoo u badan kaamamka ay daganyihin dadka soo barakacay.
Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri:-
“Shirkan ka guddi ahaan ahmiyad gaar ah ayuu noo leeyahay waxaana ku faraxsanahay inaan arko shaqooyin wanaagsan ee la qabtay intaan kala maqnayn ka wasaarad caafimaad ahaana waxa markasta naga go’an siddii aan juhdiga ugu badan u bixin lahayn. Waxaa inoo diyaarsan waxyaabihii loOga hortegi lahaa shubanka fiditaankiisa, waxyaabaha ugu weyn ee looga hortegi karana ay tahay kor uqaadida wacyigelinta, biyaha la cabayo iyo in la iska fogeeyo qashinka.”
Shirka waxaa ka qaybgalay wasiirrada madaxweynaha u magacaabay hawshan, wakaalada iyo degmada Garoowe, waxaa sidoo kale joogey Dr Cabdirahmaan Siciid Gacamey lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment