Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee DPL Dr. Cabdirashiid Xasan Jaamac ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Shaqo abuurka Dhallinyaradda Puntland oo maanta Garowe lagu qabtay

21 Apr

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee DPL Dr. Cabdirashiid Xasan Jaamac ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Shaqo abuurka Dhallinyaradda Puntland oo maanta Garowe lagu qabtay

Garowe: 20 March 2024: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee DPL Dr. Cabdirashiid Xasan Jaamac ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Shaqo abuurka Dhallinyaradda Puntland oo maanta Garowe lagu qabtay.

Wasiirka oo hadal ku lahaa ayaa ka hadlay baahida loo qabo in dhallinyarada la booriyo laguna dhiirigeliyo siday horumar usamayn lahaayeen waxaana uu yiri:-
“Barnaamijkani waxaa uu mudanyahay boorrin iyo taabogelin is garab soda, dhallinyaradu waa aasaaska ummadda, marwalba oo xirfaddooda iyo waxsoosaarkoodu xoogganyahay waa marwalba 0o bulshadu xooggan tahay.
Hay’adaha dowladda yo hay’addaha caalamiga ahba waa ay ku mahadsanyihiin in ay xoogga
saarayaan sidii ay usoo saari lahaayeen dhallinyaro ku tayaysan xirfado kala duwan.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment