Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirru Dowlaha Wasaaradda Caaafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa Maanta soo xiray shirka dib u eegista barnaamijka Addeega Tallaalka ee degmooyinka Gobolka Mudug kaasoo lagu qabtay Magaaladda Gaalkacyo.

17 Apr

Wasiirru Dowlaha Wasaaradda Caaafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa Maanta soo xiray shirka dib u eegista barnaamijka Addeega Tallaalka ee degmooyinka Gobolka Mudug kaasoo lagu qabtay Magaaladda Gaalkacyo.

Galkacyo: 16 April 2024: Wasiirru Dowlaha Wasaaradda Caaafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa Maanta soo xiray shirka dib u eegista barnaamijka Addeega Tallaalka ee degmooyinka Gobolka Mudug kaasoo lagu qabtay Magaaladda Gaalkacyo.

Wasaaradda Caafmaadka Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Save the children ayaa shirka dib u eegista addeega tallaalka oo socday muddo 2-maalmood ah u qabatay dhammaan degmooyinka Gobolka Mudug kaasoo dib u eegis lagu sameynayey addeeg bixinta tallaalka, aruurinta xogta Caafimaadka, arimaha tallaalka bannaanka u baxa (EPI Outreach) iyo qorsheynta addeeg bixinta inta ka dhimman sannadka 2024 iyadoo laga fiirinayo isbedelka togan iyo Caqabaha jirey ee addeeg bixinta Tallaalka sannadkii 2023 iyo sidoo kale 3-bilood hore ee sanadka 2024.
Shirkan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Madaxda Caafimaadka Gobolka mudug, Sida Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Mudug Mudane Cabdinaasir Shiikh Ibraahim Axmed, Madaxa Caafimaadka asaasigaa Marwo Maryan Xuseen Cali , hormuudyadda xogta, nafaqada iyo tallaaladda iyo dhammaan Maamuladda Caafimaadka ee Degmooyinka Puntland ayaa xooga lagu saaray siddii addeeg bixinta tallaalka iyo wacyigelinta Bulshada loo Kordhin lahaa si looga hortaggo cuduradda tallaalka looga hortago oo muddooyinkii kor u kac ka sameeyay qaybo kamid ah Puntland.
Mudane cabdinaasir Shiikh Ibraahim isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Mudug oo xiritaanka ka hadlay ayaa xusay muhiimada tallaalku u leeyahay bulshada iyo sida ka gobol ahaan ay markasta masuuliyad iskaga saaraan in uu gaaro dhammaan dadka logu talagalay si ay uga faa’deystaan, waxaana maamulka caafimaadka degmooyinka iyo xarumaha ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay bulshadooda u hayaan lagana doonayo inay sii laba jibaaraan.
Wasiir Axmed Shiikh Faarax oo shirka soo xiray ayaa kula dardaarmay Madaxda iyo saraakiisha Caafimaadka ee Gobolka Mudug inay dadaalka badiyaan, wacyigelin baahsan bulshadda loo sameeyo iyo in addeeg bixinta meelaha gaariwaaga ah la kordhiyo si bulshaddu qaybaheeda kala duwan uga wada faa’iidaystaan addeegyadda Caafimaadka oo ay ku jiraan Tallaalka.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment