Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirru Dowlaha Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta kormeer ku tegey Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Mudug

14 Apr

Wasiirru Dowlaha Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta kormeer ku tegey Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Mudug

Galkacyo 14 April 2024 :- Wasiirru Dowlaha Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta kormeer ku tegey Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Mudug, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey Isu duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Mudug Mudane Cabdinaasir Ibraahin Axmed iyo Saraakiisha kale ee Wasaaradda.

Isu duwaha ayaa Wasiirka uga warbixiyey xaaladaha Caafimaad ee Gobalka iyo  howlaha shaqo ee ay guud ahaan ka wadaan Gobolka.
Wasiirka ayaa dhanka kale ka mahadceliyay soo dhoweynta, bogaadiyeyna howlaha shaqo ee ka socdo Xaafiiska isuduwaha iyo u diyaar garowga xili roobaadka nagu soo food leh, isagoo ku dhiiri geliyey inay dadaalkooda sii laba jibaaraan.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment