Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waasiirka wasaraadda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Shabeele, Shimbiraale iyo cisbitaalka degmadda Dr Yaasiin.

22 Apr

Waasiirka wasaraadda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Shabeele, Shimbiraale iyo cisbitaalka degmadda Dr Yaasiin.

Qardho: 21 April 2024: Waasiirka wasaraadda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo safar shaqo ku jooga magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Shabeele, Shimbiraale iyo cisbitaalka degmadda Dr Yaasiin.

Kormeerka wasiirka waxaa ku weheliyey guddoomiyaha gobolka karkaar Cabdi Siciid Cismaan, taliyaha booliska gobolka G/Sare Xuseen Cali Maxamuud,xildhibaan Cabbdiqaadir Xasan Siciid, Duqa Magaalada Cabdiqaadir Siciid Qaal, lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Cabdirahmaan siciid Gacamey iyo agaasimayaasha maamulka iyo maaliyada Maxamed Xuseen Maxamed, kusimaha agaasiamaha qorshaynta Idiris Cabdulaahi Maxamed, isuduwaha caafimaadka gobolka Cabdilaahi Maxamed Cartan.
Wasiir Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa kormeerka kaddib ka warbixiyey natiijada shaqo maalmeedka maanta ee uu ku tegey xarumaha Hooyada iyo Dhallaanka ee magaalada Qardho, waxa uu amaanay dhammaan xirfadda shaqaalaha ka hawl-gala xarumahaasi, sidoo kale wuxuuna ku ammaanay sida ugu diyaar garoobeen  ugana jawaabeen cudurada faafa oo ka jiray magaalada Qardho iyagoo diyaariyay meelihii lagula tacaali lahaa xanuunka shubanka dadka uu soo ridanayo si gaar ah waxaan ku soo aragnay xarunta caafimaadka shabeele oo adeeg lagu siinayay dhakhaatiir xirfadoodu saraysana ku soo argnay.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa sheegay in dhammaan xarumaha caafimaad ee uu maanta booqday ay ka socoto shaqo wanaagsan, waxaanu kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha xarumahaasi inay sii laba jibaaraan shaqada ay bulshada u hayaan, waxa uu tilmaamay inuu yaqiinsan yahay in shaqaalahaasi qaarkood ku shaqeeyaan xaalado adag.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment