Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka oo ka qaybgalay Baahinta Xeerka tirakoobka Puntland

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka oo ka qaybgalay Baahinta Xeerka tirakoobka Puntland

08,June, 2020: Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan wasaaradda Qorshaynta kaga qaybgalay shaacinta xeerka tirakoobka Putland.

Xeerkaan ayaa looga arinsanayay helitaanka xogta Puntland kaas oo qayb ka qaadan doona ilaalinta iyo xifdinta xogta dadka Puntland, sidoo kale waxaa lagu salayn doonaa qorshaha 5sano iyo doorashooyinka qof iyo Cod ah ee la qaban doono. (more…)

Madaxweynaha Dawlada Puntland Siciid Abdulaahi Dani ayaa xalay hadal jeedintiisi bilaha ahayd kaga hadlay xanuunka Covid19 iyo Puntland

Madaxweyne Siciid Abdulaahi Dani ayaa xusay in uu yaraaday dadka xanuunka laga helayo, balse ay ka dowlad ahaan indhaha ku hayaan inuu markale kor ukici karo sida caalamka uu ka samaynayo.Madaxweynaha ayaa xusay in dad ka badan 1000 qof oo xanuunka laga baaray Puntland laga helay 185 qof, ayna ugeeriyoodeen 6 qof, 16 qofna ay ka soo kabteen. (more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qalab kala wareegtay Hay’adda World Vision.

04,06,2020:Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta hay’adda World Vision kala wareegtay qalab loogu talagalay ka hortaga cudurka safmarka ah Covid19.

Agaasimaha guud wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo ay weheliyaan qaar kamid ah agaasimayaasha waaxyaha ayaa kala wareegay qalabka, waxaana agaasimaha uu uga mahadceliyay hay’adda World Vision qalabkaan loo baahnaa ee ay maanta ukeeneen. (more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta qalab iskugu jira daawo iyo afxir kala wareegtay shirkada ganacsiga Daa’uus.

31,05,2020: Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta qalab looga hortagayo xanuunka Covid19 kala wareegtay shirkada ganacsiga Da’uus.

Masuuliyiinta wasaaradda oo madasha qalabka lagu wareejinayay joogay ayaa soo dhaweeyay shirkada Da’uus iyo qalbka muhiimka ah ee waqtiga loo baahnaa ay soo gaarsiiyeen wasaradda. (more…)

Wasaaradda caafimaadka iyo garsoorka Puntland oo isla meeldhigay talaabooyinka caafimaad ee la raacayo si dib loogu furo adeega maxkamadaha

Wasaaradda caafimaadka iyo garsoorka Puntland oo isla meeldhigay talaabooyinka caafimaad ee la raacayo si dib loogu furo adeega maxkamadaha.

30, May, 2020: Waxaa maanta shir ku wada yeeshay xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland masuuliyiinta wasaraadda iyo garsoorka Puntland, waxaana laga wada hadlay talaabaaoyinia caafimaad ee lagu yaraynayo khatarta cudurka COVID-19 si dib loogu bilaabo adeega maxkamadaha oo bulshada reer Puntland muhiimad joogto ah u leh. (more…)

Guddiga wacygelinta ee Covid-19 ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Garoowe

Guddiga wacygelinta ee Covid-19 ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Garoowe, waxaan kulanka kaga hadalnay waxyaabaha Guddiga uga qabsoomay Qorshihii shaqo ee aan dejisanay, hirgelinta bandowga , isu socodkii dadka, joojinta Qaadka iyo xirista Goobaha dadka isugu yimaadaan, maadaama xaaladdo Covid-19 ah laga sheegay Muqdisho, waxaan ku dadaalaynaa in aan sii laba jibaarno dadaalka ay wada jirka u wadaan Guddiga Guud ee wacygelinta iyo ka hortagga Coronavirus. Guddigu wuxuu isla gartay in kulamo lala qaato Culimada, Nabadoonada iyo Ganacsatada si ay doorkooda uga qaataan wacyigelinta, una hirgeliyaan waxyaabaha iyaga ka khuseeya awaamiirta bandowga iyo xiritaanka goobaha la isugu yimaado.

 

Guddiga dhakhaatiirta Puntland Ee Covid19 oo booqday xarunta karantiilka Garowe

17April,2020: Kusimaha agaasimaha Guud ahna agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah Abdirisaaq Abshir Xirsi oo uu weheliyo agaasimaha waaxada caafimaadka Guud Dr. Ali Dhuux Diiriye ayaa maanta kormeer iyo inay soo arkaan ku geeyay xarunta karantiilka ee lagu hayo dadka looga shakiyo xanuunka Covid19. Gudoomiyaha Guddiga Dhakhaatiirta ee wasaaradda kala shaqaynaya xanuunka Covid19 Dr Cartan ayaa mid mid ugalay qaybaha kala duwan ee xaruntu ka koobantahay.

Kadib marka uu soo dhamaystay booqashadiisa ayuu warbixin kooban la wadaagay agaasimayaasha waxaana ugu horayn wasaaradda uu ku bogaadiyay shaqada wangsan ee ay qabteen, sida inta badan qalabkii loogu baahnaa ay udhigeen xarunta iyo sida adeegyada usiinayaan dadka xaruntaan ku jira.

Waxaa sidoo kale Dr Cartan uu agaasimayaasha la wadaagay waxyaabo ubaahan farsamo ahaan in la sii hormariyo.

Xarunta oo ay ku jiraan hada 3 qof oo looga shakisanyahay xanuunka ayuu Dr Cartan xaaladooda ka waraystay dhaakhaatiirta xarunta ka shaqeeya.

Agaasime Abdirisaaq ayaa Dr Cartan iyo guddiga dhakhaatiirta ee ka shaqaynaya xanuunka ku amaanay sida ay kaalintooda uqaadanayaan, waxaana uu sheegay inay ka wasaaradd ahaana horumarin doonaan siday tahayna uqaadan doonaan talooyinka ay dhaqaatiirtu usoo jeediyeen.

Xaruntaan ayaa ka mid ah ilaa 12 xarumood oo wasaaradda caafimaadku ka hirgalisay gobolada kala duwan ee Puntland ayna udhamaystiranyihiin qalabkii ugu mihiimsana ee goobahaas looga baahnaa.

Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta warbaahinta uga warbixiyay Covid19 Puntland.

05 May,2020: Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan ayaa maanta xafiiskiisa warbaahinta uga warbixiyay xalaada covid19 Puntland waxaana uu hadalkiisa ugu horaynba kaga hadlay diyaargarowga Puntland ay samaysay markii xanuunku uu soo gaaray dalka, shaqooyinka guddiga madaxweynaha uu magacaabay shaqada ay qabteen iyo mid wasaaradda ahaan ay qabteen. (more…)

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socdey Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Isniin, Maarso, 18, 2019 : Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo ay wehliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda ayaa maanta ku soo dhoweeyey xarunta wasaaradda Caafimaadka ee Magaalada Garoowe wefdi balaaran oo ka socday hay’adda caafimaadka adduunka ee loo soo gaabiyo WHO.

Weftiga oo uu hogaaminayey Dr Maalik oo ah ergiyga cusub ee hay’adda u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa kulan gaar ah ay wasiirka kula yeesheen xafiiskiisa.
Kualanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta u dhaxaysa wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda WHO.