Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay waaxda caafimaadka Guud (Public Health) ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

09 Apr

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay waaxda caafimaadka Guud (Public Health) ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Kusimaha agaasimaha caafimaadka bulshada Sucaad Maxamuud iyo madaxda qaybaha kala duwan ayaa soo bandhigay qorshahooda iyo warbixin guud oo ku saabsan sida shaqadu usocoto.

Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan ayaa la wadaagay qorshaha uu doonayo in lagu hago guud ahaan wasaaradda gaar ahaan waaxda caafimaadka bulshada oo ah mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee wasaaradda qabtana adeega ugu muhiimsan, waxaanu sheegay in loo baahanyahay in la laba jibaaro shaqada socota sidoo kalena kor loo qaado isku xirnaanshaha bulshada loona gudbiyo fariimo wacyigelin ah oo lagu fahansiinayo laguna barayo adeega wasaaraddu uhayso si looga hortago cuduro inay dilaacaan ama fafaan.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn kula dardaarmay baahida loo qabo kor uqaadida shaqada la hayo iyo udhawaanshaha bulshada.

Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyey agaasimaha guud Dr Maxamed Mohamuud Xidig.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment