Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tegey Cisbitaalka Guud ee magaalada Garoowe.
Kormeerka Wasiirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii uu xog buuxda uga heli lahaa xaaladda guud ee isbitaalka, shaqada ka socota, adeegyada caafimaad ee bulshada loo qabto, iyo fursadaha lagu horumarin karo xarumaha caafimaadka ee dawladda.
Wasiir Mohamed Faroole oo ka hadlay booqashadiisa ayaa yiri:
“Maanta kormeerkeygu wuxuu daarnaa sidii aan u arki lahaa xaaladda xarumaha caafimaadka ee dawladda, maadaama aan xilka ku cusubahay. Waxaan qorshaynaynaa inaan si guud u kormeerno dhammaan gobollada, waxaana ka bilownay gobolka Nugaal, gaar ahaan magaalada Garoowe.”
Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda bulshada, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay joogteynta adeegyada caafimaadka iyo tayadooda.
Wuxuu tilmaamay in inta badan isbitaalada dawladda ay taageero ka helaan hay’ado caalami ah, balse qorshaha Wasaaradda uu yahay in la xoojiyo isku-filnaanshaha adeegyada caafimaadka. Wuxuu intaa ku daray in dhowaan la horgeyn doono golayaasha qorshe lagu magacaabo (Cost-Recovery Policy), kaas oo lagu doonayo in dakhliga kasoo xarooda adeegyada lagu sii horumariyo hawlaha isbitaalka.
Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Garoowe, Dr Hodan Cali Shire, ayaa Wasiirka la wadaagtay warbixin guud oo ku saabsan isbitaalka. Waxay xustay in isbitaalka la furay dabayaaqadii sanadkii 2024, isla markaana ay jiraan dhakhaatiir iyo shaqaale taageero ka helaya hay’ado, gaar ahaan mashruuca Damal Caafimaad. Sidoo kale waxay faahfaahin ka bixisay qalabka yaalla isbitaalka, adeegyada kala duwan ee laga bixiyo iyo caqabaha jira.
Shirka wasiirka waxaa kalla qaybgalay kusimaha agaasimaha waaxda adeegyda cafimaadka (Directir of Medical service) ee wasaaradda iyo masuuliyiin kale.













DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.