Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Cismaan Axmed iyo wasiirru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Cismaan ayaa maanta kormeer iyo dardargelin shaqo ku wada tegtey xarumo caafimaad

14 Apr

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Cismaan Axmed iyo wasiirru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Cismaan ayaa maanta kormeer iyo dardargelin shaqo ku wada tegtey xarumo caafimaad

Wasiirada ayaa booqday xarumo caafimaad kuwaas kuwaas oo kala ah Xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee Gambool. Jilab, Jowle iyo Gol-Nugaal. Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd in si dhow loogu kuurgalo shaqada ka socota xarumaha caafimaadka iyo adeegyada ay siiyaan bulshada. Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiir Dowlaha ayaa warbixino ka dhageysatay maamulayaasha xarumaha, kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay howlaha socda iyo adeegyada la bixiyo.

Sidoo kale, waxay booqdeen qaybaha kala duwan ee adeegyada caafimaad si ay u argaan habsami u socodka shaqada, iyagoo bogaadiyey dadaalka shaqaalaha iyo adeegga ay u hayaan bulshada.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isla markaana lagu dardargelinayo adeegyada caafimaadka guud ahaan Puntland. Waxa uu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha hoggaanka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ee lagu hubinayo tayada iyo hufnaanta adeegyada loo fidiyo shacabka.

Wasiirada Kormeerkooda waxaa qayb ka ahaa Isuduwaha wasaaradda gobolka Nugaal Mohamed Jamac, madaxa tallaalada wasaaradda caafimaadka Muxiyadiin Ahmed iyo madaxa shaqada iyo shaqaalaha gobolka Nugaal.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Write a Reply or Comment