Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday Hay’adda UNICEF, oo uu hoggaaminayey Madaxa Barnaamijyada UNICEF Soomaaliya, Mads Oyen, oo ay wehelisey Zighe, oo ka tirsan khubarada caafimaadka ee UNICEF.

07 Apr

Kulankan oo ahaa mid isbarasho iyo xoojinta xiriirka wada shaqayneed, ayaa diiradda lagu saaray hawlaha caafimaad ee ka socda Puntland ee ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan Wasaaradda iyo UNICEF. Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay qorshayaasha sanadka 2026 iyo mudnaanta la siinayo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Wasiirka Maxamed ayaa uga mahadceliyey hay’adda Unicef wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda, waxaa sidoo kale uu xusay in loo baahanyahay in wada shaqaynta la sii xoojiyo si loo gaaro yoolalka caafimaad ee wasaaradda u deggan.

Madaxa weftiga UNICEF, Mads Oyen, ayaa uga mahadcelisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dhinac, isagoo xustay in UNICEF ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Wasaaradda. Waxa sidoo kale ku ammaantay Wasaaradda horumarka muuqda ee ay ka gaartay dhinacyada kala duwan ee caafimaadka iyo dadaallada joogtada ah ee lagu gaarsiinayo adeegyo tayo leh bulshada.

Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment