Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta tababar ku saabsan xirfadda kumbuyuutarka iyo sida xogta loogu diyaariyo.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta tababar ku saabsan xirfadda kumbuyuutarka iyo sida xogta loogu diyaariyo.
28, July,2020:- Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Puntland lagu qabtay tababar kor loogu qaadayo xirfadda aqoonta Kumbuyuutarka kaas oo ku saabsanaa aqoonta kala duwan ee la addeegsado marka ribood ama warbixin la diyaarinayo.
Tababarkaan waxaa qabanayay khabiir Mr Cabdirashiid Cawed Diiriye oo ah madaxa IT-ga wasaaradda, khibrad iyo aqoon dheerna u leh cilmiga Kumbuutarka.

(more…)

๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ข๐˜…๐˜†๐—ด๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ ๐—ผ๐—ผ ๐—ท๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ก๐—ผ๐—ฟ๐˜„๐—ฒ๐˜† ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿญ๐Ÿฒ.

Waxaa maanta xarunta wasaaradda caafimaadka lagu daahfuray mashiinka Oxygenka sameeya kaas oo jaaliyada Norwey ee Puntland ay 2016kii soo gaarsiisay wasaaradda balse cilad dhanka farsamada ah ushaqayn wayay, ugu danbeyn wasaaradda oo u hawlgashay ku guulaysatay in maanta uu shaqeeyo.
Furitaanka mashiinka waxaa maanta ka qaybgalay wasiirka wasaaradda agaasimaha guud ee wasaaradda iyo gabdh ka socotay jaaliyada Norway, masuul ka socday hayโ€™adda UNICEF.

(more…)

๐–๐š๐ฌ๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐”๐๐ˆ๐‚๐„๐… ๐ช๐š๐ฅ๐š๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ฅ๐š๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐Ÿ ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ฆ๐จ๐จ๐ ๐จ๐จ ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐š๐ฅ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐๐š๐ฒ๐š๐œ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ง๐š ๐ฒ๐š๐š๐ฅ๐š ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ ๐š๐š๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐๐ฎ๐ .

28, June, 2020: Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta kala wareegtay hayโ€™adda UNICEF qalab loogu talagalay 12 xarumood oo hooyada iyo dhalaanka oo dib udayactir lagu sameeyay, xarumahaan ayaa ku kala yaala gobolada Nugaal iyo Mudug.

Xaashi Xirsi Muuse oo ka socday hayโ€™adda UNICEF oo qalabaka wareejinayay ayaa sheegay in maanta ay wasaaradda ku wareejinayaan qalab loogu talagalay 12 xarumaha hooyada iyo dhalaanka ah oo la dayactiray, xarumahan ayaa lagu dayactiray dhaqaale ay bixisay wadanka Germalka waxaana la soo mariyay UNICEF, xarumaahaan ayaa ku kala yaala meelaha fog ee gobolada Nugaal iyo Mudug. (more…)

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka warbixiyay xaladihii ugu danbeeyay Covid19

Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka oo ka warbixiyay xaladihii ugu danbeeyay Covid19

17, June, 2020: Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta xafiiskiisa kula hadlay xafiiska warbaahinta wasaaradda iyo Puntland Tv aya ka warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyay ee Covid 19, agaasimaha ayaa sheegay in 5 maalmood ee lq soo dhaafay ay sara ukacday dadka laga helayo xanuunka ayna gaartay 54 qof, dadka xanuunka laga helay ayaan kala jooga dhamaan gobolada Puntland. (more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta baaritaan iyo hubin ku samaysay dadka dib uga soo laabtay Dalka Hindia.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta baaritaan iyo hubin ku samaysay dadka dib uga soo laabtay Dalka Hindia.

20, June, 2020: Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland ayaa maanta garoonka diyaaraddaha Gen.Mohamed Abshir hubin ugu sameeysay dad ka yimi India oo dib ugu soo gurya noqday dalka lana socday diyaarada Daallo.

Wasaarada ayaa ka hubinaysay dadka inay wataan warqada cadaynaysa in laga soo baaray lagana waayey safmareenka Covid19, dhamaan rakaabka diyaarada saarannaย waxay u socdeen Puntland waxayna muddo ku xanibnaayen dalka India. (more…)

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka oo ka qaybgalay Baahinta Xeerka tirakoobka Puntland

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka oo ka qaybgalay Baahinta Xeerka tirakoobka Puntland

08,June, 2020: Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan wasaaradda Qorshaynta kaga qaybgalay shaacinta xeerka tirakoobka Putland.

Xeerkaan ayaa looga arinsanayay helitaanka xogta Puntland kaas oo qayb ka qaadan doona ilaalinta iyo xifdinta xogta dadka Puntland, sidoo kale waxaa lagu salayn doonaa qorshaha 5sano iyo doorashooyinka qof iyo Cod ah ee la qaban doono. (more…)

Madaxweynaha Dawlada Puntland Siciid Abdulaahi Dani ayaa xalay hadal jeedintiisi bilaha ahayd kaga hadlay xanuunka Covid19 iyo Puntland

Madaxweyne Siciid Abdulaahi Dani ayaa xusay in uu yaraaday dadka xanuunka laga helayo, balse ay ka dowlad ahaan indhaha ku hayaan inuu markale kor ukici karo sida caalamka uu ka samaynayo.Madaxweynaha ayaa xusay in dad ka badan 1000 qof oo xanuunka laga baaray Puntland laga helay 185 qof, ayna ugeeriyoodeen 6 qof, 16 qofna ay ka soo kabteen. (more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qalab kala wareegtay Hayโ€™adda World Vision.

04,06,2020:Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta hayโ€™adda World Vision kala wareegtay qalab loogu talagalay ka hortaga cudurka safmarka ah Covid19.

Agaasimaha guud wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo ay weheliyaan qaar kamid ah agaasimayaasha waaxyaha ayaa kala wareegay qalabka, waxaana agaasimaha uu uga mahadceliyay hayโ€™adda World Vision qalabkaan loo baahnaa ee ay maantaย ukeeneen. (more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta qalab iskugu jira daawo iyo afxir kala wareegtay shirkada ganacsiga Daaโ€™uus.

31,05,2020: Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta qalab looga hortagayo xanuunka Covid19 kala wareegtay shirkada ganacsiga Daโ€™uus.

Masuuliyiinta wasaaradda oo madasha qalabka lagu wareejinayay joogay ayaa soo dhaweeyay shirkada Daโ€™uus iyo qalbka muhiimka ah ee waqtiga loo baahnaa ay soo gaarsiiyeen wasaradda. (more…)