Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdirahmaan Maxamed Faroole, Marwo Maryan Cismaan Axmed (Fangase) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, iyo Mudane Cali Maxamed Cismaan oo ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda

07 Apr

Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdirahmaan Maxamed Faroole, Marwo Maryan Cismaan Axmed (Fangase) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, iyo Mudane Cali Maxamed Cismaan oo ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda

Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, Marwo Maryan Cismaan Axmed (Fangase) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, iyo Mudane Cali Maxamed Cismaan oo ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda. Mas’uuliyiintan cusub ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa munaasabadda ka jeediyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadkii Wasaaradda muddadii ay hoggaanka hayeen masuuliyiintii hore. Waxa uu si gaar ah u iftiimiyey horumarrada laga gaaray adeegyada caafimaadka, iyo qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee Wasaaraddu hiigsanayso.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa dhankiisa ka warbixiyay waxqabadkii la qabtay labadii sano ee la soo dhaafay. Waxa uu xusay kaalintii muuqata ee Wasaaraddu ka qaadatay hawlgalladii ka socday Calmiskaad, isagoo tilmaamay in la furay isbitaallo ku yaalla magaalooyinka Garoowe iyo Galdogob, isla markaana uu gabagabo marayo dhismaha isbitaalka Boosaaso.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda—kuwa xarunta dhexe, gobollada iyo degmooyinka—iyadoo uu carrabka ku adkeeyay in uu sii wadi doono shaqadii horay u socotay. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalkii iyo waxqabadkii Wasiirkii hore.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka si ay u gaaraan dhammaan bulshada, isla markaana uu ka shaqayn doono tayeynta adeegyada inta uu xilka hayo. Waxa uu shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa shaqo, waqtiga, iyo masuuliyadda saaran.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qaybgalay guddiga xilwareejinta Golaha Wasiirrada, xubno ka tirsan Baarlamaanka, Agaasimeyaal, shaqaalaha Wasaaradda, saraakiil ka socotay Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ay wehelinayaan wasiir kuxigeenka iyo wasiirudawlaha iyo wasiirkii hore ayaa kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee wasaaraadda waxayna booqdeen Cisbitaalka guud ee magaalada Garowe.

— DHAMMAAD —

Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Write a Reply or Comment