Wasiirka caafimaadka oo kulan la qaatay hay’adda UNICEF
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ay weheliyeen Wasiir ku-xigeenka Maryan Cismaan Axmed, Wasiiru-dawlaha Mudane Cali Maxamed Cissmaan, iyo Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF oo ay hogaaminayso Madaxa Puntland Edith Kabu (Chief of Feild Office CFO).
Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho ah oo u dhexeeyey hoggaanka cusub ee Wasaaradda iyo maamulka UNICEF, iyo is xog waraysi la xiriira mashaariicda caafimaadka ee wasaaradda iyo UNICEF ka wada shaqeeyaan iyo qorshayaasha socda oo iskugu jira kuwa caafimaad iyo kuwa nafaqada.
Wasiir MaxamedFaroole ayaa la wadaagay qorshayaasha horutebinta u leh iyo kuwa mudnaanta leh ee Wasaaradda iyo da’daalada socda, waxaana uu xusay in loo baahanyahay in la xoojiyo lana sii laba laabo wada shaqaynta.
Shirka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa agaasima waaxdeedyada wasaaradda caafimaadka.



















DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.