Garoowe -25- Dec 2022:- Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda PSI ee kala shaqaysa barmaamijka Marwo caafimaad ayaa maanta 17 kooxood u kala dirtay 250 tuulo oo ku yaala gobolada Puntland.
Blog
Waxaa maanta ka furmay magaalada Boosaaso shirka dib u eegista caafimaadka ee gobolada Bari iyo Gardafuu
Boosaaso, Dec, 26, 2022: Waxaa maanta ka furmay magaalada Boosaaso shirka dib u eegista caafimaadka ee gobolada Bari iyo Gardafuu, shirkaan ayaa waxaa dib loogu eegayay mashruuc CHASP oo ka shaqeeya ilaa 7 degmo oo ku kala yaala labada gobol waxaana kawada shaqeeya wasaaradda iyo Hay’adda Badbaadada Carruurta (Save the Children), kaasoo bilowday sanadkii 2021 socona doona ilaa 2024. Waxaa shirka ka qaybgalay Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr- Cabdirisaaq Xirsi Xasan, Madaxa Save The Children Puntland Mohamed Abdikadir, Kuxigeenkiisa 2aad iyo isuduwayaasha gobolada Bari iyo Gardafu.
Waxaa maanta booqasho ku yimid Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland wefti balaaran oo ka socdey safaarada Swedan SIDA oo ah deeq bixiyayaal Soomaaliya iyo Hay’adda UNICEF.
Garoowe: 21- Waxaa maanta booqasho ku yimid Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland wafti balaaran oo ka socday safaarada Swedan SIDA oo ah deeq bixiyayaal Soomaaliya iyo Hay’adda UNICEF.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xassan oo ay wehelinayeen agaasimaha Guud Dr-Abdirizak Hersi Hassan iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda ayaa kulan kula qaatay xarunta dhexe ee wasaaradda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray ku yimi Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
GAROOWE -28 August 2022:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray ku yimi Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr- Jaamac Faarax Xasan, Agaasimaha guud Dr- Cabdirisaaq Hirsi Hasan iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa Madaxweynaha iyo Weftigiisa ku soo dhoweeyey Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr-Cabdirisaaq Hirsi Hasan ayaa magaalada Garoowe ka furay tababarka tababarayaasha DHIS2 ee Barnaajika Qaaxada Soomaaliya “National TB Program
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr-Cabdirisaaq Hirsi Hasan ayaa magaalada Garoowe ka furay tababarka tababarayaasha DHIS2 ee Barnaajika Qaaxada Soomaaliya “National TB Program”.
Tababarkaan oo soconaya saddex maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxda qaybta qaaxada dawlad goboleedyada iyo dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madax ka socota Hay’adda World Vision.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNICEF Soomaaliya
Garoowe, 22, Ogoosto 2022 : Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNICEF Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wafaa Saeed Madaxa UNICEF Soamaaliya ayna qeyb ka yihiin Madaxda Xafiiska Hay’addaha ee Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaana uu kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Dr Jaamac Faarax Xasan, wasiir kuxigeenka Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, Agaasimaha Guud Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan abaaraha, kaasoo u dhaxeeyey wasaaaradda iyo hay’addaha la shaqeeya
Garoowe 15 August – 2022: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan abaaraha, kaasoo u dhaxeeyey wasaaaradda iyo hay’addaha la shaqeeya.
Shirkan waxaa wasiirka ku weheliyey agaasimaha guud ee wasaaradda Dr- Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda caafimaadka, waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay saraakiil ka socotay hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah qaarkood.
Jaamacadda culuumta caafimaadka ayaa waxa ay hirgalisay bandhig cunto karin oo ku saabsan cuntooyinka maxaliga ah
Jaamacadda culuumta caafimaadka ayaa waxa ay hirgelisay bandhig cunto karin ah oo ku saabsan cuntooyinka maxaliga ah ee ay heli karaan hooyooyinka iyo daryeelayaasha carruurta ee loogu talo galay carruurta da’dooda u dhaxayso 6 ilaa 24 billood.
Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay xuska todobaadka Naas-nuujinta sannad kasta adduunka laga xuso bisha 8-aad.
Garoowe, Ogoosto 16. 2022:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay xuska todobaadka Naas-nuujinta sannad kasta adduunka laga xuso bisha 8-aad.
Waxaa shirkan ka soo qabgalay Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr- Jaamac Faarax Xasan, agaasimayaasha wasaaradda qaarkood iyo hay’addaha wasaaradda la shaqeeya. (more…)