Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac ayaa maanta kaamka Jilab ee magaalada Garoowe ka daah-furay ololaha asbuuca tallaalka adduunka.

25 Apr

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac ayaa maanta kaamka Jilab ee magaalada Garoowe ka daah-furay ololaha asbuuca tallaalka adduunka.

Garoowe, 24. April 2024 : Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac oo uu weheliyo madaxa Hay’adda Save The Children Puntland mudane Maxamed Cabdiqaadir Siciid ayaa maanta kaamka Jilab ee magaalada Garoowe ka daah-furay ololaha asbuuca tallaalka adduunka.

Dr Maymuun Xuseen Ducaale madaxa xarunta caafimaadka Jilab Garoowe oo ka hadashay addeegyada ay xaruntu bixiso ayaa tiri:-
“ Waan ku faraxsanahay in maanta xarunta Jilab laga daahfuro olalaha todobaadka tallaalka adduunka oo ah xarun ka shaqaysa addeega caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, waxaana ay ka mid tahay xarumaha bixiya tallaalka, xaruntu waxaa si lacag la’aan ugu dhala hooyada iyadoo la siiyo dhammaan addeegyada caafimaad ee ay ubaahantahay iyada iyo ilmuhuba”
Maxamed Cabdiqaadir  Siciid madaxa Save the children Puntland oo ka hadlay daahfurka Ololaha usbuuca tallaalka adduunka ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idinkala soo qaybgalno munaasibada lagu daahfurayo ololaha todobaadka talaalka aduunka ayna ka daahfurayno kaam Jilab, Hay’adda Save the children waxay si gaar ah ula shaqaysaa wasaaradda caafimaadka xarumo badan ayay gacanta ku haysaa oo ku yaala gobolada Puntland kuwaasoo iskugu jira talaalka iyo si guud adeegyada cafimaadka, hay’adda iyo wasaaradda oo is kaashanaya waxay direen ilaa 50 kooxood oo ka shaqayn doona iyo 200 shaqaale ah oo meelo badan oo gobolada ah ka samayn doona olalaha talaalka todobaadkan, waxaan ognahay ilaa hal malyan iyo laba boqol oo kun oo caruur ah oo soomaliyeed inaysan talaalka qaadan taasoo halis galisa caruurtaas gaar ahaan cuduro badan oo talaalka looga hortagi karay, ugu danbeyn waalidiinta waxaan ka rajaynayaa inay caruurta talaalaan.”
Dr Abdirashiid Hassan Jamac wasiirku xigeenka wasaaradda caafimaadka DPL oo olalaha daahfuray ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta kaam jilab u wada joognaa daahfurka ololaha todobaadka talaalka aduunka, waxaan dhamaanteen ognahay talaalku inuu marxalado kala duwan soo maray waqti waxaa jirta talaalka laga aaminsanaa inuu caafimaadka wax yeelayo ama cuduro la socdaan, waxaanse maanta joognaa wacyigalin la sameeyay oo culumada iyo hay’addaha ay kamid yihiin Save the children, WHO iyo Unicef in cuduro badan looga hortagay qaarkoodana la cirib tiray sida Polio, waxaan halkaan maanta caruur ku siinay talaalka qaaxada, waxay noqonaysaa inay dadkii aqbaleen talaalkana qaadanayaan, talaalkuna waa ka hortaga ugu wanaagsan cudurada qaarkood caruurta dila.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment