Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland waxa maanta ka qabsoontay xaflada xuska todobaadka tallaalka aduunka oo sanadkasta la qabto 24 bisha Abriil-30 Abril,

25 Apr

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland waxa maanta ka qabsoontay xaflada xuska todobaadka tallaalka aduunka oo sanadkasta la qabto 24 bisha Abriil-30 Abril,

Garoowe, 24. April 2024 : Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland waxa maanta ka qabsoontay xaflada xuska todobaadka tallaalka aduunka oo sanadkasta la qabto 24 bisha Abriil-30 Abril, waxaana la isku baraarujiyaa muhiimada tallaalku uleeyahay caafimaadka aadamaha.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa ka qaybgalay waxaa ku weheliyey wasiirka wasaradda horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Dr Maryan Axmed Cali wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur, wasiir kuxigeenka wasaaradda qorshaynta mudane Maxamed Ibraahim Xasan, ku xigeenka wasaaradda waxbarashada mudane Maxamed Diiriye Gama’diid, madaxa hay’adda UNICEF Soomaliya iyo sarkaal ka socdey hay’adda WHO.
Muxiyadiin Ahmed oo ku hadlayay magaca qaybta tallaalada ee wasaaradda caafimaadka ayaa yiri:-
“ Kulankeena maanta waxa uu daaranyahay xuska todobaadka tallaalka aduunka, maanta oo kale 50 sano ka hor ayaa aduunku u aqoonsaday todobaadka ugu danbeeya bisha Abril inay noqoto todobaadka tallaalka adduunka, waxaa kulankaan looga hadlaa siddii kor loogu qaadi lahaa, loona noolayn lahaa wacyigelinta bulshada ee muhiimada tallaalka. Tallaalku waxa uu ilmaha ka difaacaa cudurada dilaaga ah ee ku dhaca sida jadeecada, gawracatada, xiiqdheerta dabaysha iyo kuwa kamid ah, ilmaha tallaalan marka cuduradani ku dhacaan waxa fiicnaado difaac adagna jirkiisu uyeesho balse ilmaha aan talalanayn halis caafimaad ayuu ku keenaa qaarkoodna waxaa dhacda inay udhintaan.”
“ Sanadka 2024 waxaa wasaaradda uqorshaysan in la soo kordhiyo talaalada shubanka iyo oofwareenka, 170 xarumood ayaa hadda bixiya talaalka guud ahaan Puntland waxaa sidoo kale jire kooxo wareega oo baanaanka ubaxa, ugu danbeyn waxaan waalidiinta ka codsanaynaa inay ilmaha talaalaan una dhamaystiraan talaalada.“
Dr Ibaraahim oo kamid ah dhakhtarka caruurta kana hawlgala cisbitaalka Yashfiin ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasibada waxaana uu yiri ri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan wasaradda kala soo qaybgalo xuska todobaadka talaalka aduunka, sida aan la kulano Ilmaha talaalka qaata inta badan xanuunku samaynta uu ku yeesho way ka yartahay ama sahlantahay midka aan talaalka qaadan, sababtaas ayaa loo dhiirigalinayaa in kor loo qaado talaalka. Walidiinta waxaa ku baraarujinaynaa inay ilmaha talalaan si cudurada khatartooda uga badbaadaa, talaalka inoo yimaada waa mid la soo hubiyay baaritaan lagu soo sameeyay mana jirto wax dhibaato ah oo uu ilmaha ku keeno taas badalkeeda caafimaadkiisa ayuu qayb ka qataa.”
Wafaa Alfadil Madaxa UNICEF Somaaliya oo ka hadashay munaasibada ayaa ka sheegtay :-
“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta wasaaradda caafimaadka Puntland kala soo qaybgalo daahfurka todobaadka talaalka aduunka, waxaan dhamaanteen wada ognahay muhiimada talaalku leeyahay si aan ilmaheena uga badbaadino xanuunada dilaaga ah ee faafa kuwaasoo talaalka kaliya looga hortagi karo, sida dhakhatiirtu xuseena ilmaha talaalan waa uu uga sahlanyahay xanuunada faafa midka aan talaalnayn hadaba si aan uhelno caruur caafimaad qabta waa inana ku dadaalno qaadashada talaalka oo xarumaha caafimaadka laga helayo.Hay’adda Unicef waxay marksta wasaaradda kala shaqayn doontaa arimaha caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta.”
Dr Maryan Ahmed Cali wasaaradda horumarinta haweenka iyo arimaha qoyska Puntland oo xafalada ka hadashay ayaa tiri:-
“Waxaan bogaadinayaa kuna hambalyaynayaa wasaaradda caafimaadka horumarka dhankasta oo ay samaysay, waxaana makhraati ka ah sida iyagoo shaqooyin adag ku jira aysan uga baaqsanayn qabsoomida munaasibada caafimaadka muhiimka u ah sida mida maanta aan uwada fadhino, Hooyada ayada ayaa laga rabaa ama masuuliyada koowaad ka saarantahay inay ilmaheeda talaalka gayso ayna udhamaystirto dhamaan talaalada uu ubaahanyahay, waxaa kale oo aan rabaa inaan halkaan ka sheego inaysan waxba ka jirin hadalada suuqa laga sheego ee talaalka laga sameeyo oo ay kamid yihiin in cuduro laga qaado taas badalkeeda cuduro badan ayuu difaac uga yahay ilmaha, sidoo kale hooyadu uurka leh waa inay qaadataa talaalka ay ubaahantahay.
Wasiir Siciid Jamac Qorsheel oo xaflada soo xiray ayaa yiri:-
“ Waxaan mahadcelin siinayaa masuuliyiinta golaha wasiirada iyo madaxtooyada ka socda ee maanta nagu sharfay inay nagala soo qaybgalaan daahfurka xuska todobaadka talaalka aduunka muhiimaduna waa in dawladu si wadajir ah uga shaqayso barnaamijka horutabinta leh ee dawladdu ka shaqaynayso. Waxaan baraarujinayaa in talaalka lagu dadaalo ilmaha hadda ayaan caafimaadkiisa la badbaadin karaa waana in talaaalka uu qaato marka cuduradu jiraan way adagtahay in wax badan la qabto, talaalku waa caawiye ilmaha ka caawin doona inuu adkaysi ulahaado xanuunada faafa ee dilaaga ah.”
Ugu danbeyn waxaan umahadcelinayaa hay’adda aan wada shaqayno Unicef, WHO iyo Save thechildren sida dhaw ee ay wasaradda ula shaqeeyaan munaasibadan oo kalena ay qayb uga qaataan, waxaan sidoo kale umahadcelinayaa shaqaala weynaha wasaradda caafimaadka si gaar ah kuwa xarumaha jooga ee naftooda khatar ugalinaya mararka qaarkood sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.
Munaasibada waxaa ka qaybgalay maamulka iyo ardayda machadka caafimaadka Shaafi ee magaalada Garowe
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment