Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeer ku tegey cisbitaalka Somcare ee magaalada Garoowe.

22 Apr

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeer ku tegey cisbitaalka Somcare ee magaalada Garoowe.

Garowe, April, 22, 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeer ku tegey cisbitaalka Somcare ee magaalada Garoowe.
Kormerka wasiirka ayaa daaranaa inuu soo arko shaqada cisbitaalka ka socota si gaar ah ololaha qaliinka dadka faruuran oo lacag la’aan ah kaas oo  muddo ka socdey lana soo gabagebeeyay, waxaana uu ku soo dhoweeyey madaxa cisbitaalka Maxamed  Cabdiraxmaan Cali iyo dhakhaatiirta qaliinka samaynaysey iyo kuwa sida joogtada ah uga hawlgala.

Wasiirka ayaa kula kulmay cisbitaalka qaar kamid ah bukaanada qaliinka loo sameeyey oo kujira soo kabashadoodii, waxayna uga warameen meelaha ay ka kala yimaadeen.
Ugu danbayn wasiirka ayaa ku ammaanay maamulka cisbitaalka shaqada ka socota cisbitaalka si gaar ah qaliimada lacag la’aanta ah oo loo sameeyay bukaanada ka kala yimid Soomaliya oo dhan.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment