Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac iyo Wafaa Alfadil Madaxa UNICEF Soomaaliya ayaa maanta kormeeray dhismaha cisbitaalka Garoowe.

25 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac iyo Wafaa Alfadil Madaxa UNICEF Soomaaliya ayaa maanta kormeeray dhismaha cisbitaalka Garoowe.

Garoowe: 24 April 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac iyo Wafaa Alfadil Madaxa UNICEF Soomaaliya ayaa maanta kormeeray dhismaha cisbitaalka Garoowe.

Kormeerka ayaa wuxuu ku saabsanaa halka uu marayo dhismaha cisbitaalka iyo shaqada ka socota, waxay mid mid u booqdeen qaybaha uu dhismuhu ka koobanyahay, waxaana uu marayaa gabagabo dhismaha cisbitaalka waxaana qorshuhu yahay in waqtiga ugu dhaw dhamaan doono lana furi doono.
Wasiirka ayaa usheegay in mudnaanta koowaad ay utahay in waqtiga ugu dhakhsaha badan lagu dhamaystiro loona soo gabagabeeyo cisbitaala si bukaankii adeega usoo doonan jiray ay uga helaan, waxa sidoo kale uu sheegay inuu ku faraxsanyahay qaabka dhismaha cisbitaalka loo dhisay loona qalabayn doono.
Waxaa cisbitaalka ku soo dhoweeyey agaasimaha cisbitaalka Garoowe Dr Hodan Cali Shire oo wasiirka iyo weftigiisa uga warbixisay shaqada iyo addeega ka socda cisbitaalka waxayna bogaadisay kormeerka wasiirka iyo sida ay ugu go’antahay dhamaystirka cisbitaalka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment