Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland waxaa maanta ka qabsoomay xafladda xuska maalinta duumada adduunka oo sanad kasta la qabto 25 bisha Abriil

25 Apr

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland waxaa maanta ka qabsoomay xafladda xuska maalinta duumada adduunka oo sanad kasta la qabto 25 bisha Abriil

Garoowe, 25. April 2024 : Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland waxaa maanta ka qabsoomay xafladda xuska maalinta duumada adduunka oo sanad kasta la qabto 25 bisha Abriil waxaana la iskugu baraarujiyaa khatarta xanuunka iyo sidii loo dabargoyn lahaa loona xakamayn lahaa.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee barlamaanka Puntland ahna kasimaha guddoomiye Mudane Maxamed Baar Shire , Wasiirka wasaaradda caafimaadka mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, Cabdiaziiz Ahmed Dhahar gudoomiyaha arimaha bulshada Barlamaanka, xildhibaano, agaasimaha guud ee wasaradda arimaha gudaha Mohamed Cali Farax, madaxa barnaamijka duumada wasaradda caafimaadka Dr Abdikariim Huseen Hassan, saraakiil ka socday hay’addaha Unicef iyo WHO.
Dr Abdikariim Huseen Hassan madaxa barnaamijka duumada wasaaradda caafimaadka Puntland oo ugu horayn ka hadlay xaflada madaxdana ku soo dhaweeyay ayaa yiri:-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa gudoonka barlamaanka xildhibaanada wasiirka caafimaadka iyo dhamaan madaxda nagu sharaftay ka soo qaybgalka munaasibada aan ku xusayno maalinta weyn ee sanadka kasta aduunka laga xuso 25 April ee loo asteeyay Duumada aduunka.”
“ Munaasibada waxaa loo qabtaa oo loogu talagalay sidii xukuumadaha caalamka bulshadooda ugu muujin lahaayeen heerka uu ka gaarsiisanyahay iyo mudnaanta gaarka ah ee uleeyahay in la dabarjaro ama la xakameeyo cudurka duumada, waxaa sidoo kale ku jirta qareemid loo qareemayo sidii dhaqaale loogu heli lahaa lagu xakameeyo ama lagu yareeyo. Soomaaliya waxay kamid tahay wadamada africa ee cudurka ugu badanyahay gaar ahaan koonfurta, Puntland waxaa ugu badan magaalada boosaaso dadaal badan oo aan galinay sidii loo yarayn lahaa laguma xakamayn lahaa waxaa hoos udhacay xanuunka laga soo bilaabo sanadkii 2019- 2023 waxaa uu gaaray meeshii ugu hoosaysay balse sanadka 2024 waxaa jira inuu kor usoo kacay magaalada boosaaso waxaana qorshaynaynaa inaan dib boorka uga jafno dadaalada socday si loo yareeyo loona xakameeyo fiditaankiisa, waxaan sidoo kale madaxda la wadaagayaa in Puntland lagu arkay nooc cusub oo kaneeco ah taasoo ka khatar badan midi hore sida la xusayna ay keeneen doonyaha yimaada.”
Abubakar oo ka socday hay’adda WHO oo isaguna ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta ka soo qaybgalo xuska maalinta duumada aduunka Aniga oo wakiil ka ah WHO, cudurka duumada waa mid kamid ah kuwa ugu halista badan ee africa ka jira si gaar ah soomaaliya, dadaal badan oo wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha WHO iyo Unicef ka shaqeeyeen waxaa lagu guulaystay in la yareeyo cudurka balse sida hadda uu xusay Dr Abdikariim waxaa la dareemayaa inay kor ukacday sanadkana waxaa naga go’an inaan wasaararda kala sii shaqayno sidii loo xakamayn lahaa loona dabar goyn lahaa, wadamo kamid ah africa waxaa hada laga bilaabay taalalka malaariyada.”
Zighe Icunoamlak madax Head of section health and nutrition specialist Unicef Puntland ayaa tiri:-
“ Waan ku faraxsanahay inaan maanta ka soo qaybalo maalinta xuska dabargoynta cudurka aduunka, cudurka duumada waa mid kamid ah cudurada ugu halista badan dadka ugu badan ku dila africa,cudurkaan waxa gudbisa kaneeco qof qaniinaysa kadibna mid kale ugudbinaysa, aduunka malaariya hoos udhac ayaa ku socda, cudurka africa oo dhan ayuu ka jiraa waxaana ugu badan Congo, soomaliya cudurkaan guud ahaan waa ku yartahay waxaase uu badanyahay konfurta soomaaliya, Puntland dadaal badan oo la galiyay waxaa lagu guulaystay in meelo badan laga ciribtiro walise waxaa ay ka jirtaa magaalada Boosaaso oo ah meeshw ugu badan ee xanuunku ka jiro, 6 sano oo u danbeysay hoos udhac ayaa ku socday balse sanadkaan kor ukac ayaa ka muuqda weyn. Unicef waxay ka taageertaa wasaraadda sidii loo dabargoyn lahaa cudurka waana sii wadi doontaa.”
Mohamed deeq abdalle kuxigeenka gudoomiyaha warbaahinta Puntland oo hadal ka jeediyay ayaa yiri:-
“ Warbaahinta Puntland waxay markasta ka shaqaysaa wacyigalinta bulshada waxaana waajib ku ah sidii ay u caawin lahayd fariimaha caafimaadkana ugaarsiin lahayd dadweynaha si loo dabargooyo ama loo yareeyo saamaynta xanuunkaan iyo kuwa lamid ah”
Agaasimaha guud arimaha gudaha Mohamed Cali Farax
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo munaasibada ku soo aaday waqti muhiim ah oo wadanka ay ka da’een roobab ayna dhici karto in xanuunkan kor ukaco waa maalin weyn oo aan ku faani karno 25 sano kadib inaan meel wangsan marayno, waxaan ubaahanahay in la sii laba jibaaro shaqada socotay ama la waday si aan u dabargoyno ama uxakamayno. Wasaaradda caafimaadka waxaan ku boorinayaa in loo daadajiyo degmooyinka la gaarsiiyo inay iyagu kor uqadaan wacyigalintooda iyo xakamaynta malaariyada, xanuunada faafa waxay ku xiranyihiin hadba sida aad uga falcelisaan uguna dadashaan sidii aad iskaga ilalain lahaydeen waxkasta oo khatar idiin keeni kara.”
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo xaflada kalmado kooban ka jeediyay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta uwada joogno xaflada miisaankeedu culusyahay ayna nagala soo qaybgaleen gudoonka golaha shacabka Puntland xildhibaano iyo agaasimaha guud ee wasaradda arimaha gudaha waan idinka mahadcelinayaa kasoo qaybgalkiina, cudurka duumada waxaan ognahay in dadaal badan oo wasaraddu samaysanay aad hoos ugu dhacay laguna guulaystay in la xakameeyo meel fog ayaa laga yimid meel fiican ayaana hadda la joogaa amaantaasna waxaa si gaar ah uleh bahda caafimaadka gaar ahaan qaybta duumada, waxaan sii wadi doonaa dadaalka aan wadno si loo yareeyo ugu danbeyna loo dabargooyo,magaalada Boosaaso waxaan rabnaa inaan iskugu tagno dadaalkeena iskugu gayno si aan u yarayno madaama lagalay xili roobaadka.”
Mohamed Baari Shire gudoomiye kuxigeenka koowaad ee barlamaanka Puntland ahna kusimaha gudoomiyaha barlamaanka Puntland oo xaflada ka soo qaybgalay ayaa yiri:-
“ Waan ku faraxsanahay inaan shaqadii koowaad iyo xafladii koowaad aan ka soo qaybgalo ay nooqto munaasibada maalinta duumada aduunka waxayna cadaynaysaa muhiimada caafimaadku noo leeyahay waana ku faraxsanahay, waxaana igu casumay Dr abdikariim oo aan si dhaw uqirayo dadaalkiisa iyo juhdiga uu bixinayo sidii loo xakamayn lahaa loona ciribtiri lahaa cudurka, waxaan qirayaa inuu yahay masuul dulqaad badan oo waxkasta oo culayska ah oo uu kala kulmo shaqadiisa sida ugu wangsan uqabsada waana ku bodaadinayaa”
“ Cudurkan waxaa ka qaybqaata fiditaankiisa isku socodka bulshada waxaan agaasimaha guud wasaradda arimaha gudaha ka farayaa in xafiiska arimaha bulshada ee degmooyinka loo xulo dad aqoon uleh si shaqada laga rabo ay uqabtaan, waxaan wasaradda ku amaanaya dadaalka ay wado waxaana xusayaa inay kamid tahay wasaraddaha adeega bixiya kuwa ugu muhiimsan wasiirka cusubna waan la soconaa shaqada baaxada leh ee uu hayo.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment