Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wefti Ka Socda Hay’adda UNICEF Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wafaa Alfadil Madaxa UNICEF Soomaaliya ayna qayb ka yihiin madaxda xafiiska Puntland ayaa galabta booqasho ku yimid wasaaradda caafimaadka Puntland

23 Apr

Wefti Ka Socda Hay’adda UNICEF Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wafaa Alfadil Madaxa UNICEF Soomaaliya ayna qayb ka yihiin madaxda xafiiska Puntland ayaa galabta booqasho ku yimid wasaaradda caafimaadka Puntland

Garoowe, 23, April 2024 : Wefti Ka Socda Hay’adda UNICEF Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wafaa Alfadil ee madaxa UNICEF Soomaaliya ayna qayb ka yihiin madaxda xafiiska Puntland ayaa galabta booqasho ku yimid wasaaradda caafimaadka Puntland  waxaana ku soo dhoweeyay wasiirka wasaaradda caafimaadka mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayna weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Hasan Jaamac, agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xiddig, qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradda.

Kulanka ayaa looga wada hadlay shaqooyinka ka socda Puntland ee dhanka caafimaadka ah ee ay wada wadaan wasaaradda iyo Unicef, waxaana xooga lagu saaray xaalada degdegga ah iyo cudurada faafa oo ka jira qaar kamid ah gobolada Puntland siddii la iskaga kaashan lahaa qaybna uga noqon lahaayeen dadaalada wasaaraddu wado iyo hawlaha kale ee horutabinta leh.
Wafaa Alfadil Madaxa hay’adda UNICEF Soomaaliya ayaa uga mahadcelisey wasaaradda caafimaadka wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa waxayna ballan qaaday inay kaalintooda ka qaadan doonaan shaqooyinka wasaaraddu wado, waxayna wasaaradda ku ammaantay horumarka dhinacyada badan ah ee ay gaartay iyo sida hagar la’aanta ah ee bulshada addeega caafimaad loo gaarsiiyo, waxay sidoo kale ballan qaaday inay dardargelin doonto sidii loo dhammaystiri lahaa dhismayaasha cisbitaalada socda.
Kulanka marka uu soo dhammaaday ayay kormeereen qaybta qaboojiyaasha tallaalada wasaaradda (Cold Chain) oo ay ku soo arkeen sida uu ushaqeyo qaybaha uu ka koobanyahay iyo tallaalada yaala.
Waxay kadib kormeereen xarunta caafimaadka kaamka Jilab halkaas oo bukaanada cudurka shuban biyoodka lagu daweeyo laguna hayo inta ay ka caafimadayaan, waxaa sidoo kale ay kula kulmeen kooxaha wacyigelinta ka wada kaamamka ee qaybta fayadhawrka wasaaradda (wash unit) kuwaasoo in ka badan bil waday wacyigelin ay ka samaynayaan guri guri halkaasoo dadka ay ku siinayeen talooyinka ku saabsan siddii ay iskaga ilaalin lahayeen ugana taxadari lahaayeen cudurka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment