Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntlnad mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ku weheliyey madaxweyne ku xigeenka DPL ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo kormeer ku tegey hay’adda foreensig sayniska Puntland

28 Apr

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntlnad mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ku weheliyey madaxweyne ku xigeenka DPL ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo kormeer ku tegey hay’adda foreensig sayniska Puntland

Garoowe, 27. April 2024 : Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntlnad mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ku weheliyey madaxweyne ku xigeenka DPL ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo kormeer ku tegey hay’adda foreensig sayniska Puntland.

Waxaa xarunta ku soo dhoweeyay madaxa xarunta Cabdirishiid Maxamed Shire (chancellor and chief of scientist) iyo shaqaalaha xarunta waxaana uu warbixin guud ka siiyey siday ushaqayso addeegyada ay qabtaan iyo wadashaqaynta guud ee ka dhaxaysa booliska iyo maxkamadaha, xarunta ayaa qabata shaqo kasta oo looga baahanyahay in lagu cadeeyo denbiyada dhaca ee la xiriira hidda sidaha.
Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa soo arkay qalabka xarunta yaala iyo sida shaqada siday udhacdo.
Cabdirishid M. Shire (chancellor and chief of scientist) ayaa madaxweynaha iyo wasiirka la wadaagay caqabadaha jira ay kamid tahay inuu ku yaryahay dhismaha hay’adda degantahay meel ka weyna ubaahanyihiin.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey hay’adda iyo shaqada ay bulshada uqabato kaasoo fududeeyey helitaanka denbiilayaasha aan loo helayn cid cadaysa, waxaa sidoo kale uu ku amaanay kaalinta wax ku oolka ah ee ay ugu jiraan dalka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment