Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdirashiid Maxamed ,ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Madax-qaybeedyada Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, kaas oo si joogto ah uga qabsooma xarunta dhexe ee Wasaaradda maalin kasta oo Arbaco ah
Kulanka waxaa ku weheliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Maryan Axmed Cismaan, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Cismaan, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig.
Intii uu shirku socday, waxaa dib loogu eegay waxqabadkii toddobaadkii la soo dhaafay. Waaxda Qorshaynta ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan heerka fulinta qorshayaashii la dejiyey iyo hawlihii qabsoomay. Sidoo kale, Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa soo bandhigtay warbixin la xiriirta xaadiritaanka shaqaalaha, tirada maqnaanshaha iyo guud ahaan habsami-u-socodka imaatinka shaqaalaha.
Dhanka kale, qaar ka mid ah madax-qaybeedyada Waaxyaha Caafimaadka Bulshada iyo Caafimaadka Aasaasiga ah ayaa madaxda Wasaaradda la wadaagay warbixinno ku saabsan hawlihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay toddobaadkii tegay iyo heerka ay marayaan adeegyada ay masuulka ka yihiin.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamed Abdirahman Mohamed, oo kulanka soo hadlay, ayaa masuuliyiinta Wasaaradda la wadaagay jihada iyo mudnaanta shaqo ee toddobaadka cusub. Wasiirku waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta fulinta qorshayaasha Wasaaradda, dhammaystirka hawlaha qabyoobay iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhexeysa waaxyaha si loo sii horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada.











DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: Ministry of Health Puntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland