Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Cismaan Axmed, ayaa ka qayb-gashay Shirweynihii 2-aad ee Ururka Jaamacadaha Puntland (Association of Puntland Universities – APU), oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Garoowe
Ka-qaybgalka Wasiir Ku-xigeenka ayaa muujinaya sida ay Dowladda Puntland uga go’an tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo jaamacadaha, si loo horumariyo cilmi-baarista, hal-abuurka iyo tayaynta adeegyada bulshada.
Intii uu shirku socday, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii cilmi-baarista jaamacaduhu ay u noqon lahayd mid xal u raadisa caqabadaha bulshada, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, tiknoolajiyadda iyo horumarinta raasamaalka aqooneed. Marwo Maryan Cismaan Axmed ayaa bogaadisay dadaallada jaamacadaha ee ku aaddan tayaynta waxbarashada sare iyo dhiirrigelinta adeegsiga Garaadka Macmalka (Artificial Intelligence – AI) si kor loogu qaado tayada waxbarashada iyo cilmi-baarista.
Waxay sidoo kale xustay in iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo jaamacadaha uu door muhiim ah ka qaadan doono soo saarista cilmi-baaris wax ku ool ah iyo diyaarinta xirfadlayaal caafimaad oo ka jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee bulshada, taas oo gacan ka geysan doonta horumarinta adeegyada caafimaadka ee Puntland.













DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: Ministry of Health Puntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland