Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku soo gabagabeysay tababar laba maalmood socday oo lagu xoojinayey adeegyada tallaalka. Tababarka ayaa loo qabtay shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeeya xarumaha Primary Health Units (PHUs) ee gobolka Nugaal
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka ee bixiya adeegyada tallaalka, si bulshada ku nool tuulooyinka iyo deegaannada fogfog ay u helaan adeeg tallaal oo tayo leh, joogto ah, isla markaana si fudud loo gaari karo.
Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Nugaal, Mudane Maxamed Jaamac Qorile, ayaa xiritaankii tababarka ku boorriyey ka-qaybgalayaasha inay si hufan uga faa’iidaystaan aqoonta ay heleen, kuna dabaqaan goobahooda shaqo. Waxa uu ku dhiirrigeliyey inay bulshada ugu adeegaan daacadnimo iyo masuuliyad, maadaama baahida loo qabo adeegyada tallaalku ay weli sare u tahay, gaar ahaan deegaannada ay adeegyada caafimaadku ku yar yihiin.
Madaxa Barnaamijka Tallaalka ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Muhyadiin Axmed Maxamed, ayaa sheegay in Wasaaraddu si joogto ah uga shaqaynayso ballaarinta adeegyada tallaalka, si xarumaha PHU-yada ee dhammaan gobollada Puntland ay u noqdaan goobo bixiya adeeg tallaal oo joogto ah. Waxa uu xusay in dadaalladani ay door weyn ka qaadan doonaan yaraynta cudurrada laga hortagi karo tallaalka, sida jadeecada iyo gawracatada, isla markaana ay qayb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee lagu gaarsiinayo adeegyada tallaalka bulshada ku nool meelaha fogfog.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Aasaasiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Abshir Xirsi, ayaa ka hadlay muhiimadda tallaalka carruurta, isaga oo carrabka ku adkeeyey in waalidiintu hubiyaan in carruurtoodu dhammaystaan dhammaan tallaallada ku qoran jadwalkooda ka hor inta aysan gaarin da’da laba sano. Waxa uu tilmaamay in tallaalku yahay habka ugu waxtarka badan ee lagu badbaadin karo nolosha carruurta lagagana hortagi karo cudurrada faafa ee saameeya carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano.
Gabagabadii tababarka, dhammaan ka-qaybgalayaashii waxaa la guddoonsiiyey shahaadooyin muujinaya inay si guul leh u dhammaysteen tababarka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay si tayo leh uga hirgeliyaan adeegyada tallaalka xarumahooda caafimaad.
Tababarkan iyo qalabka la bixiyey ayaa la filayaa inay si weyn uga qayb qaataan kor u qaadista tayada iyo helitaanka adeegyada tallaalka ee guud ahaan Puntland. Sannadkan, hay’adda UNICEF ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku taageertay qalab casri ah oo ay ka mid yihiin cold chain equipment (talaagadaha lagu kaydiyo tallaalka), kuwaas oo loo qaybiyey xarumaha MCH-yada, PHU-yada iyo isbitaallada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla gobollada Puntland. Qalabkan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona ilaalinta tayada tallaalka iyo ballaarinta goobaha laga bixiyo adeegyada tallaalka, si carruur badan ay u helaan adeeg caafimaad oo badbaado leh, tayo leh, isla markaana joogto ah.













DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: Ministry of Health Puntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland