Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay Shirka Dib-u-eegista Waxqabadka Barnaamijka Qaaxada (TB) ee 6 bilood ee la soo dhaafay, kaas oo lagu falanqeeyey waxqabadkii la qabtay, xogta la diiwaangeliyey, guulihii la gaaray iyo caqabadihii jiray
Shirka waxaa si rasmi ah u furtay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Sucaad Axmed, oo sheegtay in dib-u-eegista joogtada ahi ay muhiim u tahay kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka iyo xoojinta dadaallada lagu xakameynayo cudurka qaaxada. Waxay ku boorrisay ka qaybgalayaasha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta adeegyada iyo sidii loo gaari lahaa natiijooyin wanaagsan.
Sidoo kale, Madaxa Qaybta Qaaxada ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Dr. Cali Xasan, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadka Barnaamijka Qaaxada intii lagu jiray lixdii bilood ee la soo dhaafay. Wuxuu ka warbixiyey heerka adeegyada baaritaanka iyo daaweynta qaaxada, horumarka laga sameeyey barnaamijka, caqabadihii la kulmay iyo qorshayaasha lagu xoojinayo dadaallada lagula dagaallamayo cudurka.
Intii uu shirku socday, ka qaybgalayaashu waxay si qoto dheer uga doodeen xogta la soo bandhigay, iyagoo isla qaatay talooyin iyo qorshayaal lagu horumarinayo adeegyada qaaxada, kor loogu qaadayo tayada xogta caafimaadka, lana xoojinayo iskaashiga dhammaan heerarka adeeg bixinta si loo yareeyo saameynta cudurka qaaxada ee bulshada Puntland.















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: Ministry of Health Puntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland